|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Fal Celiyay Xidhiidhkii ay Punt land u Jartay Dawlada Federaalka {DHAGAYSO}

Muqdisho 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay go,aanka Puntland ugu jartay xiriirka ay la wadaagtay Villa Somalia, wuxuuna sheegey in uusan soo dhaweyn doonin hadalka kasoo yeeray Madaxda Dowlada Puntland.

Xasan-Sheekh-Maxamuud-300x222“Dalka Somaliya waa mid 22 sano Annagu awood kuma aanu hayn midnimada ummadda waxaa jiray qaar ka mid ah dadka oo jeclaa in la kala tago, balse badankiis dadka Soomaaliyeed ma ay jeclayn kumana aysan faraxsanayn in dadka Soomaaliyeed kala tagaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu sheegey  inaysan ku faraxsanayn in Madaxda Dowlada Puntland shaaciyaan xiriirka ay u jarayaan Dowlada Federalka Somaliya,wuxuuna sheegey inay jirto kalsooni badan oo dadka Somalidu ku qabeen Puntland inay tiir muhiima u tahay horseeditaanka Midnimada Ummada Soomaaliyeed.

Waa ogtihiin Puntland oo lagu qabtay intaas oo shirar oo Soomaaliya dan u ah , Islamarkaana kalsooni dadka Soomaaliyeed ku siiyeen inay horseed u tahay soo celinta midnimada dadkeena kuma aanu faraxsanin runtii inuu ka yimaado madaxda Puntland go,aan ay ku sheegayaan xiriirka aanu la lahayn Dowlada Somalia waa jareynaa .

Xasan Sheekh waxa uu sheegey in uusan garanayn ilaa iyo hada sababta gaarsiisay madaxda Puntland inuu kasoo yeero go,aanka xiriirka Somali la lahaayeen lagu jarayo.

Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya Xasan Sheekh wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey inay ka wada hadli doonaan Puntland iyo Dowlada Federalka Somaliya mad madow-ga soo kala dhex galay islamarkaana isfahan ay kusoo dabaali doonaan khilaafka hadda jira, isagoona ugu baaqay Madaxda Puntland wada hadal iyo Shirar ay wada yeeshaan.

Halkan ka dhagayso hadalka Xasan Sheekh Maxamud.

Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed