|

Abwaan Mubaarik Qoorubaxay oo Ablo ablayn uu Ku Sameeyay Heestii Nolosha Cusub kuna Taageeray Aragtidii Cabdi Good DAAWO

CaptureHargaysa 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Heestii Nolasha Cusub Soo dhawee ee uu Curiyay Abwaan C/risaaq Xaamud Caydiid – Jaylaani ayaa Mudooyinkii u danbeeyay Waxay haysatay Bogaga Hore ee Lagu Falanqeeyo Suugaanta Somalida.

Abwaano door ah ayaa ka qayb galay ablo ablayn ku wajahan Sida uu yahay Miisaanka Heestani Qaar ka mid ahi Waxay sheegeen in Heestani ay ka Mid tahay Kuwa ugu Horeeya ee Suugaanta Casriga ah.

Dooda Heestan ayaa ka danbaysay kadib markii uu Suugaan dhaadhiga Caanka ah ee Cabdi Good uu ku soo qaaday Barnaamijka Isir raaca af Somaliga oo ka baxa Telefishanka Somalia Chanel Isagoo Sheegay in Heesta Nolosha Cusub soo dhawee ay tahay Mid aan marin Xeerarka iyo Qawaaniinta u dejisay samaynta Heesaha kala duwan ee Somaliga .

Hadaba Abwaan Mubaarik Qoorubaxay ayaa Isaguna Si Cilmiyaysan u lafo guray Heestan isla markaana taageeray Fikirkii Cabdi Good.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed