|

Ururka Igad oo Somaliland ka Caawinaya Qabsoomida Doorashada Sannadka Soo Socda loo balansan yahay

Hargaysa 03.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ayaa Maanta Dalka ku soo dhaweyey Wafti ka socday Urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo muddo saddex cisho ah dalka Somaliland ku sugnaan doona, waxayna sheegen in ay Somaliland ka Caawindoonan Doorashada Madaxtooyada  ee la Fillayo in ay Qabsoonto Sanadkan soo socda Badhtamihiisa.

warkii-416x300Waftigan IGAD Ka socday ayaa sheegay in Somaliland uu xidhiidh Fiican uu ka dhexeyo isla markan Somaliland ku casuumeen shir caalami ah oo ay ka  qaybgalayaan in ka baddan 500 oo Wufuud caalami oo   ka kala imanaya waddamo baadan oo addunka ku yaala shikraasi oo lagaga hadlidoono Arrimaha Caafimadka, Waftigan ayaa Waxa Hogaaminaya Safiirka u qaabilsan Somaliya urur gobleedka IGAD Ambasador Maxamed Cabdi Afay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa faahfaahin ka Bixiyey ujeeda Waftigaasi waxanu yidhi. “Waxa Farax Weyn noo ah in ay halkan nalla joogan wafti balaadhan oo ka socda IGAD  oo uu hogaaminayo Ambasador Maxamed Afay, oo uu la socdo  Dr. Axmed Xassan Mataan, waa markii ugu horeysay ee waftigan uu Safiir Maxamed Afay hogaaminayo ay Somaliland inoogu yimaadan, anaga ku soo casuunay dalka  cilaaqad culus ayey somaliland iyo IGAD ay wadda leedahay, runtii waxay inoo hayaan mashaaric faro baddan waxayna innala joogidoonan muddo saddex Cisho ah, Madaxweynahana way la kulmidoonan, wasiiro faro badana way la kulmeen maanta.”Ayuu yidhi Biixi.

Ambasador Maxmaed Afay isaguna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in somalialnd markii ugu horeysay ay ka taageeridoonan dhinaca doorashooyinka waxanu yidhi.“IGAD waxay xidhiidh dhaw la leedahay  Somaliland anaga Iskuulka ku yaala Sheekh ee Cilmiga Xoolaha lagu barto caawina, waxanu kale oo sanadkan Somaliland ka caawinaynaa dhinaca Doorashooyinka oo Sanadka Danbe Somaliland  ka dhacaya waxanuna jecel nahay in xukumada kala qaybgalano hawshaasi doorashada wixii baahiyo ah ee ku saabsan doorashadan aanu Somaliland siino, runtii doorashadaasi oo muhiim u ah ummada halkan ku nool iyo guud ahaan Geeska Afrika, Somaliland waxanu ku marti qaadaynaa shir caalami ah oo ka dhacaya Addis-abba oo ay isku imanayaan wafti ka baddan illaa Shanboqol  oo ka kala socda Caalamka oo idil lagagana hadlidoono arrimaha Caafimadka, wasaarada caafimadka Somalialdn wixii taageero ah ee aanu u helli karo ayaan ku taageeridoona.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed