“Qofkii Al-shabaab Ah Ee La Soo Qabto Waxaa Hal Mar lala Tooganayaa Waalidkiisa” Cabdiraxmaan Tuur-yare. DAAWO
Muqdisho 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida, ee Soomaaliya Md. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare oo la hadlay warbaahinta kadib markii dil saddex dhallinyaro maanta ay maxkamaddu xukun toogasho ahaa ku fulisay ayaa in waaliddiin badan ay xidhan yihiin, kuwaas oo uu ku eedeeyay inaanay soo wargelin wiilashooda oo ka mid ahaa Al-shabaab.
Col. Tuur-yare waxa uu ka codsaday waalidiinta inay soo sheegaan wiilashooda ku jira xarakada Al-shaab, waxaanu yidhi “Aabayaasha iyo Hooyooyinka waxaan ka codsanaynaa inay soo sheegaan wiilashooda Al-shabaab ka tirsan.haddii la soo qabto wiilkooda iyagoo aan warbixin ka keenin,waalidkana waa la la soo qabanayaa,hal mar ayaana la toogan doonaa,maxaa yeelay mas’uuliyada ayuu ku yeelanayaan dambiyada ay geysanayaan carruurtooda, taasna waa mid sharcigu qorayo,”.
Col.Tuuryare ayaa sheegay in kaalintooda ay dhiirran tahay,isla markaana maxkamada aanay daahi doonin dadka ka mid ah Al-shabaab ee dambiyada ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xusay inay hore ugu sheegeen waaliddiinta inay soo sheegaan carruurtooda ka mid ah Al-shabaab,isagoo caddeeyay inay jiraan waaliddiin ay carruurtoodu yihiin Al-shabaab oo xidhan.
Muqdisho SDN/QJ