|

Fududeeyaha Weerarkii Dhawaan Madaxtoyada Somalia Lagu Qaaday iyo Rag Kale Oo Saaka La Toogtay

Muqdisho:Aug,03,2014(SDN/QJ)-Waxa Saaka ay maxkamadda sare ee Ciidanka qalabka sidaa dil toogasho ah ku fulisay Saddex xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, kuwaas oo uu ka mid ahaa ninkii fudaydiyey Weerarkii bishii hore lagu qaaday Madaxtooyada somalia.

fuduDilka Toogashada ah ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Genaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho,waxaana Goobjooga ahaa Mas’uuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

 

CaptureLabada qof oo kale ee iyagana saaka dilka lagu fuliyey ayaa kooxda Al-shabaab ka tirsanaa, kuwaas oo maxkamadda horteeda ka qirtay dilala ay geysteen.

Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Waayahan danbe Dardar galisay Toogashada lagu Fulinayo Raga ka tirsan Al-shabaab ee Dilka lagu Xukumo.

Sababaha loo dedejinayo xukunnada lagu rido Al-shabaab, ayaa looga golleeyahay sidii kooxda Al-shabaab loo tusi lahaa   sawirro cabsi gelinaya kuwooda ku hawllan inay wali dadka laayaan, waxana dhawaanahan si isdabajoog ah loo laynayey  tiro ka tirsan kooxdan.

 

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed