|

Wiil Xasan Sheekh Abti u Yahay Oo Loo Wado Xil Muhiim ah

Muqdisho:Aug,03,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Aqalka Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegaya in Wiil ay Walaashii dhashay oo lagu magacaabo Taabit Cabdi loo wado xil muhiim ah.

taabiTaabit Cabdi ayaa hore u soo ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, waxana uu in muddo ah ahaa camal la’aan iyadoo xilkaas hore looga qaaday.

Wiilkan ayaa waxa dhashay Gabadh ay madaxweynaha walaalo yihiin oo lagu magacaabo Nuurto Xasan sheikh, waxana la wadaa qorshe lagag dhigayo Qunsulka Somalia u fadhiya Dalka Maraykanka.

Warar hoose oo aan helnay waxa ay sheegayaan in Warqada Taabit Cabdi loogu magacaabi lahaa Qunsulka ay soo baxday, balse uu Madaxweynaha la kawsan doono Digreetooyin uu ku magacaabayo dhowr Safiiro Cusub oo iminka la xulay.

Taabit Cabdi waa Wiil da’yar, waxa uuna muddo kooban hayey Agaasimaha Madaxtooyada, iyadoona Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday kadib markii Xilli habeen ah inta lagu guda jiray Bisha Ramadaan weerar lagu qaaday Madaxtooyada Somalia.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh, ayaa waxa uu isagu wadaa Qorsho cusub oo uu mar qudha ku magacaabi doono illaa Todobo Safiir oo Dowlada wakiilo uga ahaan doono Safaaradaha Caalamka, iyagoona lagu buuxin doono boosas laga qaadi doono Safiiro kale.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed