|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ingiriiska Ka Soo Duulay, Kuna Wajahan Dalkiisa Hooyo

London:Aug,03,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (siilaanyo), ayaa ka soo ambabaxay dalka Ingiriiska oo uu  muddo joogay, isagoo ku soo jeeda Dalkiisa Hooyo.

siioMadaxweynaha ayaa xalay kasoo dhaqaaqay dalka Britain, waxana lagu wadaa inuu Dalka yimaaddo ilaa Maalinta Berri oo Isniin ah.

Sida lagu wado waxa uu madaxweynuhu soo mari doonaa Dalka Ethiopia oo wali xuduudda ay Somaliland la leedahay Xidhan tahay, waxana laga yaabaa inuu kulamo la yeesho madaxda Dalkaas oo uu  markii horena lasii kulmay.

Mudane Siilaanyo ayaa muddo labaatan cisho ku dhaw ku sugnaa Dalka Britain, waxana uu kulamo kala duwan la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Halkaas deggen, isagoo kala hadlay arrimo badanlay.

Mudane Siilaanyo ayaa Halkaas ku joogay Safar nasasho ah, isagoo ehelladiisa iyo qaraabadiisa sidoo kale wakhti la qaatay.

Farxad weyn bay ii ahayd inaan halkan dadkii reer Somaliland aan ciiddii kula tukado muddo fasax gaaban oo aan halkan joogay, sidaa daraadeed dalkii baan ku noqonayaa aad baanan ugu mahadinayaa soo dhaweynta aan idinkala kulmay iyo dedaalka aad Haysaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed