|

Madaxweynaha Somalia Oo u Baqoolay Dalka Maraykanka iyo Ujeeddada Safarkiisa

Muqdisho:Aug,03,2014(SDN/QJ)-Waxa Gelinkii Dambe ee Shalay Magaalada Muqdisho ka Amba Baxay Madaxweynaha Somalia mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo ay wehelinayaan Xubno ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha dibadda iyo Dhiirrigelinta Maal-gashiga iyo Xubno kale, Kuwaas u ku sii jeeda Dalka Maraykanka.

abbSocdaalka Madxweynaha ayaa salka ku haya shirka  u dhexeeya Maraykanka iyo Madaxda Afrika oo dhawaan furmi doona, kaas oo lagu wado inuu socdo muddo maalmo ah.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusii sagootiyay wafdiga uu  madaxweynuhu  hogaaminayo ee u amba baxay dalka Mareykanka, R/wasaaraha C/wali Sh. Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

markii ay garoonka diyaaradaha  ay ku duushay diyaaraddii sidday wafdiga madaxaweynaha ayaa qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha waxaa kula hadlay Warbaahinta Qaranka  R/wasaaraha dalka ahna ku simaha madaxweynaha  C/wali Sh Axmed Maxamed ayaa sheegay in shirka ka dhacaya Mareykanka ay Soomaaliya la hortegi doonto qorshaha ay dowladdu ugu talagashay horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa dalka Mareykanka uga qeybgelidoona kulan loogu magac daray jiilka dambe waxaana la sheegay in si gaar ah loogu faaqidi doono  danaha iyo baahiyaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo waddamada reer Afrika.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed