Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Tallaabooyinka uga Meel Yaalla Cudurka EBOLA ee Dunidu Ku Mashquulsan tahay
Hargeysa:Aug,03,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka Bixisay Waxa uga Meel yaalla Xanuunka Dilaaga ah ee Ebola oo dawladaha Caalamku si weyn uga Gaashaamanayaan ayaamahan dambe.
Wasaaradda Caafimaadka oo iyadu arrimahan ku shaqo leh, ayaa sheegtay inay qaadi doonto Tallaabooyin wax lagaga Qabanayo sidii looga Hortegi lahaa cudurkan dilaaga eek a dilaacay Galbeedk qaarada Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay in ay goobaha dalka laga soo galo ee madaarrada iyo xuduudaha gaynayaan kooxo caafimaad oo dadka baadhitaanno kaga sameeya xannuunkan.
“Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay dawada, waxaannu doonaynaa haddiiba ay dhacdo Ilaahay inaguma keeno ee sidii looga hortagi lahaa cudurkan oo ah dilaa khatar ah oo aad u faafa, daawana aan lahayn, markaa wasaarad ahaan waxaannu doonaynaa in aannu wacyigelin ka siino bulshada cudurka, in annagoo kaashanayna Wasaaradda Arrimaha Gudaha qaybta socdaalka la hubiyo cidda
soo galaysa waddanka oo la baadho dadka ciddii lagu arko calaamadaha xannuunka,” ayuu yidhi Dr. Xagla-toosiye oo u warramayey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da shalay.
Wasiir Xaglo-toosiye waxa uu xusay in ay shaqaalaha caafimaadka u bilaabeen tababarro lagu kordhinayo aqoontooda caafimaad eek u wajahan xannuunka Ebola, waxaannu yidhi, “Goobaha laga soo galo dalka waxaannu gaynay kooxo caafimaad, tababarro la siinayo kooxaha caafimaadkana waanu wadnaa ha joogaan cusbitaallada ama meelaha dalka laga soo galayo sida madaarrada diyaaraha oo kale, tababarkaasi oo ah sidii ay u aqoonsan lahaayeen qofka calaamadaha xannuunka Ebola leh, isla markaana loo karatiimayn lahaa inta laga xaqiijinayo inuu cudurkaasi qabo iyo in kale. Waxa kale oo ku jirta sidii ay iyaguna nafahooda uga ilaalin lahaayeen xannuunkan.”
Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Caafimaadka ayaa ku soo beegmaya xilli dhammaanba dawladaha ku yaalla qaaradda Afrika ay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay dalalkooda uga celin lahaayeen faafitaanka xanuunkan oo faro baas ka haya bulshada reer Afrika, kaas oo ay Dawladaha Bariga Afrika Haatan Bilaabeen inay si weyn u hubiyaan Fayo-qabka dadka Madaarada soo gelaya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com