|

Muslimiin dawlada Mareykanka ku dacweeyay in ay ka hor istaagtay in ay dhalashada dalkaa qaataan

Washington Aug 03,2014(SDN/QJ)-Muslimiin dalka Mareykanka mudo ku noolaa ayaa dacwad ku soo oogay dawlada Mareykanka ka dib kolkii ay dawladu xanibtay ama raajisay aqoonsi ay dalkaa ka helaan.

Muslimiintan oo dhan ah ayaa dawlada Mareykanka ku eedeeyay in ay xanibaad aan waadax aheyn uga horjoogsatay dalabkoodii dhalashada dalkaasi.

Guddida la socodka dalabaadka dhalashada Mareykanka ayaa ku shaqeeya nidaan qarsoodi ah taas oo aan muhaajiriinta u saamaxeyn in ay iscadeeyaan.

“Dadkan aanu metelo ama ah macaamiishayada waa dad mudo dalkan ku noolaa shuruucdiisana u hogaansan, dawladuna waxa ay iska hortaagtay in ay qaataan dhalashada dalkan”sidaa waxa yiri ururka American Civil Liberties.

Ururka ACL waxa uu intaa raaciyay in dawladu ay sharciga dalka baal marsan isugu gudubtay dalabka Musliintan shanta ah.

Muslimiintan dalbaday waraaqaha aqoonsiga ayaa wax aka mid ah Axmed Xasan oo ilaa sanadii 2006dii sugayay in fursad loo siiyo in uu dalabkiisa la dhegeysto.

Muslimiinta ayaa qaar ka cabanayaan in iyaga oon la socon lagu biiriyo diwaano argegixiso iyo qaar iska hortaagaya socdaalka.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

Comments are closed