Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo markii 1aad Sharaxay Cudurka Ebola ee laga qaylinayo,Arrimaha Daruuriga ah in la Sameeeyo
Hargaysa 02.Aug 2014 (SDN/QJ)- Dr-ka Caanka ee Maxamed Cabdi Gaboose ayaa Markii Kowaad Waxa uu ka hadlay Caabuq Sidaha Cudurka Ebola oo Walaac Xoogan ay ka qabaan Wadamada Galbeedka Africa .
Dr Gaboose ayaa Qormo Caafimaad oo uu ku sharaxayo Cudurkan astaamaha lagu garan karo Waxa uu ku faafiyay Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Face booka waxaanu ku bilaabay
“hadaanu nahay bahda cafimaadka xil Ba naga Saran umada Waxaa Soo badanaya khatarta baahsan ee uu leeyahay cudurka Ebola. “Ebola Virus Disease” waa xanuun ku dhaca banii aadamka, kaas uu sabab u yahay, Virus-ka loo yaqaan Ebola calaamadaha xanuunkani waxay bilaabmaan laba cisho ka dib marka qofka jidhkiisa virusku ku jiray sadex todobaad (Sitimaan), Calaamadaha ugu waaweyn ee uu leeyahayna waxaa ka mid ah, Xumad jidhka oo dhan ah, Madax’xanuun, yalaalugo, matag, shuban, iyo in ay shaqada yareeyaan kelyaha iyo beerku, sidoo kale dadka qaar waxay isku arkaan dhiigbax, xanuunkan wuxuu ku gudbi karaa marka qof uu la wadaago qof kale dhiig ama dheecaamada jidhka, mararka qaarna waxaa gudbiya xayawaanada qaarkood oo weliba Virus-kan jidhkooda ku jiro sida Daayeerka, Xanuunkan wuxuu calaamadaha la wadaagaa, xanuuno kale sida Kaneecada, Daacuunka iyo xanuuno kale oo Viruses-ku hogaamiyaan, xanuunkan waxaa la ogaan karaa marka la arko calaamadihiisa, Ebola Virus Disease, wuxuu leeyahay ka hortag, daaweyntiisu weli maaha mid lagu guulaystay, marka xanuunku qof asiibo, waxaa loo bilaabaa dareere badan oo uu afka ka qaadanayo amaba xididka laga siinayo si loo ilaaliyo inaanu qofku fuuq bixin, sidoo kale waxaa muhiim ah in qofka la siiyo daawooyinka dhiig-joojiha ah, si looga hortago dhiig bax badan, waxaa intaa loo raaciyaa daawooyinka xanuun/Xumad baabi’iyayaasha ah iyo weliba mararka qaar Antibiotics.
Baahsanaanta xanuunkan (Iminka) waxaa saldhig u ah wadamo badan oo Africa ah, si aad isaga ilaaliso inuu jidhkaaga galo Virus-ka Ebola, waxaad ku dedaashaa inaad
gacmahaaga si fiican u dhaqdo/Maydho marwalba oo aad cunto cunayso, sidoo kale inaad ka feyjignaato inay xidhiidh dhecaan ama dhiig idin dhexmaro dadka xanuunkan la nool, Ugu danbayn, anigoo ku abtirsada bahda caafimaadka,
waxaan talo siin lahaa madaxda wasaarada caafimaadka Somaliland iyo Somaliaba. waxaan leeyahay bulshadeenu aad bay u nugushahay, waxay u baahan yihiin wacyigelin aad u farabadan, waxaa jira dhalinyaro badan oo baratay cilmiyada
caafimaadka ee aadka u khusayso wacyigelintan iyo wax ka sheega xanuunada noocan oo kale ah, fadlan ka shaqaysiiya oo u ogalaada inay fikrado iyo aqoonkorodhisiga idinla wadaagaan si ay beri dadkooda iyo dalkooda wax ugu taraan, waxaan u hambalyaynayaa Sarkaal ka tirsan wasaarada caafimaadka oo ka digay halista xanuunkan, laakiinse waxaan sarkaalkaa farayaa weli bulshada kuma fila wacyigelinta
xanuunkan.
NB. Khatarta xanuunkan waa inuu hogaamiyo dhimasho.Adiga…Way qurux badan tahay, wayna waxtar badan tahay inaad qoraalkan dadkaaga la wadaagto.
Hargaysa SDN/QJ