Suxufiyiinta Punt land oo Hogaan Cusub dooranaya iyo Kuwa Somaliland oo is haysta
Hargaysa 03.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa waxaa uga furmay magaalada Garowe shirweyne uu ku dooranayo hoggaan cusub.
Shirka oo socon doona afar maalmood waxaa ka qeyb-galaya 60 wariye oo ka kala socda deegaannada maamulka Puntland, waxaana lagu dooran doonaa guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo xoghaye, kuwaas oo xilka heyn doona seddexda sano ee soo socota.
Xog-hayaha ururka ee ka degaya xilka, Burhaan Axmed Daahir ayaa sheegay in ay shaqo wanaagsan qabteen shantii sano ee lasoo dhaafay oo ay hayeen hoggaanka ururka.
Xog-hayaha ayaa hoggaanka cusub ee la dooranayo u rajeeyey in uu sii dhammeystiro hadafka ururka.
Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Indho-guran oo ka qeyb-galay furitaanka shirka ayaa sheegay in maamulku taageerayo xurriyadda saxaafadda.
Wasiirka ayaa kula dardaarmay suxufiyiinta in ay bulshada ugu adeegaan mas’uuliyad iyo daacadnimo.
Dhinaca kale Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa khilaaf soo kala dhex galay Maalmihii u danbeeyay kadib Markii ay u kala jabeen laba dhinac kuwaas oo isku maandhaafay Cida awood u leh inay soo magacawdo Gudida qabanqaabada Shirweynaha 5aad arrintan ayaa keentay iyo Xubno gudida fulinta ee Solja ay Shalay Shaaciyeen inay Xilkii ka qaadeen Gudoomiyaha Ururka Solja Xasan Maxamed Yuusuf inkastoo Gudoomiyuhuna uu ka fal celiyay arrintaas lamana garan karo halka uu saldhigi doono khilaafkani.
Hargaysa SDN/QJ