Guddida Fulinta Ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Ku Dhawaaqay Inay Xilkii Ka Qaadeen Gudoomiyahoodii
Hargeysa 2 8 2014 (SDN/QJ):-xubnaha guddida fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa ku dhawaaqay inay doorteen gudoomiye ku meel gaadh ah inta laga gaadhayo shirweynaha shanaad ee ururkaasi.
Gudoomiye ku xigeenka,xoghayaha guud iyo xubno ka mid ah guddida fulinta ururka Solja oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xafiiskooda magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay xilkii ka qaadeen gudoomiyihii lagu doortay shirweynihii u danbeeyey ee ururkaasi Xasan Maxamed Yuusuf oo ay isku khilaafsan yihiin magacaabista guddida qaban qaabada shirweynaha shanaad ee ururkaasi.
Gudoomiye ku xigeenka ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Cabdi Curad oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu sheegay in guddida fulinta ee ururkaasi ay shir iskugu yimaadeen isla
markaana ay xilkii ka qaadeen gudoomiye Xasan Maxamed Yuusuf waxaanu yidhi “Guddida fulinta ee ururka oo ay magaalada Hargeysa ka joogaan sagaal xubnood oo xubnihii goboladana qaar ka mid ah joogaan waxay gaadheen go,aan xil ka qaadis ah oo ay xilkii gudoomiyenimo mudada kala guurka kaga qaadeen gudoomiye Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanay si ku meel gaadh ah mudadaa kala guurka gudoomiyaha guddida fulinta ugu doorteen Mustafe Sheekh Cumar Geedi si hawlaha shirka iyo qaban qaabadiisu habsami ugu socdaan, falkaas xil ka qaadista ah ayaa ka dhashay ka dib markii gudoomiyuhu saaka xafiiska yimid oo u qaatay qalab uu lahaa ururku.” Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka ururka Solja
Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay Maxamed Axmed Jaamac Caloolay oo ka mid ah guddida fulinta ee ururka Solja kaas oo sheegay inay go,aan ku gaadheen inay xilka ka qaadaan gudoomiyaha ururkaasi.
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed Aadan Qurbe jog
Concat@somalidiasporanews.com