|

Khilaaf soo Kala Dhex Galay Hogaanka Sare ee Ururka Solja iyo Gudoomiyaha oo ka Hadlay DAAWO

CaptureHargaysa 02.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa Khilaaf iyo kala Qaybsanaan dhinaca aragtida iyo awood kala riixasho ay soo dhex gashay Mudooyinkii u danbeeyay.

Khilaafkan ayaa Waxay Ubucdiisu tahay kadib markii Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Solja iyo Xoghayaha Guud ee Ururkaas oo dhinac ah iyo Gudoomiyaha Ururka Solja ay soo kala Saareen Laba Gudi oo ay u kala Xilsaareen Qaban qaabada Shirweynaha Ururka Solja .

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Solja Xasan Maxamed Yuusuf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xeer hoosaadka Ururku uu awood u siinayo inuu soo magacaabo Gudida Qaban qaabada Shirweynaha Solja .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed