Ururka Xamaas Oo Deedafeeyey Inay Gacanta Ku Hayaan Askari Yuhuudi ah
Qaza:Aug,02,2014(SDN/QJ)-Kooxda Dagaalka kula Jirta Dawladda Yuhuudda ee Xamaas, ayaa beeniyey inay Maalintii shalay Gacanta ku dhigeen Askari yuhuudi ah oo la waayey.
Garabka Milateriga ee Xamaas ayaa sheegay inay waayeen xidhiidhkii qaar ka mid ah dagaalyahanadooda, isla markaana laga yaabo inay dileen Hadar Goldin oo ay Israel baadigoobeyso.
Askarigan la qabtay ayaa sababay inay bur burto xabad joojin qorshaheedu ahaa 72-saac, waxaana labada dhinac jira eedeymo ay isu jeedinayaan oo ku saabsan cida jebisay xabad joojinta.
Israel ayaa aaminsan in askarigooda lagu waayay koofurta Qaza, markii ay ciidamadooda weerareen mid ka mid ah dhuumaha ay adeegsadaan Xamaas.
Ilaa 100 Falastiniyiin ah ayaa ku dhimatay duqeymihii shalay oo jimco aheyd ka socday magaalada Qaza, iyadoo Yahuudu sii wado duqeymaha xoogan.
Iskacaabinta ay kooxda Xamaas ku jirto, ayaa u muuqata mid ay ku muuiyeen Awooddooda, maadaama ay Illaa iyo Haatan laayeen Askar ku dhow ilaa iyo Lixdan ka tirsan Ciidanka Yuhuudda.
SDN/QJ