|

Hawlgallo Eyda Wax Urisa Loo Adeegsanayo Oo Saaka Ka Socda Qaybo Muqdisho ka Mid ah

Muqdisho:Aug,02,2014(SDN/QJ)-Gebi ahaanba saaka Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir wax aka socda Hawlgallo cusub oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawladda oo Adeegsanaya Eyda u Tababaran Waxyaabaha qarxaa ay ka qayb qaadanayaan.

ey uriyaWararku waxa ay tilmaamayaan in Ciidamadu ay xidheen wadooyinka gala garoonka diyaaradaha, Buulaxubeey iyo wadooyin kale, kuwaasi oo baadhaya gaadiidka iyo dadka wadooyinka isticmaalaya.

Howlgalka ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Saaka aroortii uu halkaasi ka bilowday illaa iyo iminkana uu socdo, waxa ayna Ciidamadu beegsanayaan goobaha ganacsiga iyo gaadiidka laga shakiyo, iyadoona baadhitaanka  qaybta ugu badan ka qaadanayaan Eyda Tababaran ee Ciidamadu wataan, kuwaas oo awood u leh inay Uriyaan Waxyaabaha qarxa ee aanay Ishu qabin Karin.

Dhanka kale, xaafadaha ayaa waxaa sidoo kale lagu arkayaa ciidamo dharcad ah kuwaasi oo iyaguna baadhaya dadka xaafadaha iyo gaadiidka waxa uuna Howlgalku imanayaa iyadoo dhawaan Degmada Hodan laga soo qabqabtay Hub culus.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed