Aabaha Dhalay Marxuumad Nafiisa Cismaan Oo Sheegay inuu Ka Badbaaday Weerar AL-shabaab ku soo qaadday, Dalkana ka dhoofay
Muqdisho:Aug,02,2014(SDN/QJ)-Cismaan Salaad oo ah Aabaha Dhalay Marxuumad Nafisa Cismaan ooh ore Kooxda Al-shabaab ugu dileen Degmada Yaaqshiid, ayaa sheegay inuu ka Badbaaday isku day di loo ay Kooxaha Shabaabku doonayeen inay ku dilaan.
Cismaan Salaad ayaa intaasi ku daray in inta aan la soo weerarin ka hor telefonka loogu hanjabay, isla-markaana loo sheegay in qudha laga jari doono.
Inkastoo Xaalada Amaan Awgeed uu u diiday in codkiisa warbaahinta loo adeegsado waxa wajigiisa laga dheehanayey sida uu u jeclaa inuu la noolaado Qoyskiisa muqdisho dagan hase ahaatee halista dhinaca Amaanka ay u diiday Isla maantana uu kadhoofay Garoonka Aadan Cade.
Gabar uu dhalay Cismaan Salaad oo lagu Magacaabi jiray Allaha u naxariistee Nafisa ayaa Al-shabaab waxay ku dilayn degmada yaaqshiid mudo kadib waxa suura galay in la soo qabto raggii dilay baadhitaan dheer dabadeed.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa ku riday xukun dil ah Taas oo lagu Fuliyey.
Cismaan Salaad oo ah nin qurbejoog ah ayaa isla-shalayba ka dhoofay dalka, waxana uu sheegay inuu muqdhisho cabsi darteed uga tegayo, maadaama loogu hanjabay in la dili doono.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com