AMISOM Oo Laga Cabsi Qabo Inay Xanuunka EBOLA U Soo Waaridaan Dhinaca Somalia
Muqdisho:Aug,02,2014(SDN/QJ)-Waxa Gebi ahaanba Soomalia ka taagan warwar ah in ciidanka AMISOM ay xanuunka Caalamka kaga yaabiyey ee Ebola ay u soo gudbiyaan Gudaha Somalia, waxana ay taasi keentay in la joojiyo Gebi ahaanba kala baddaliddii dhinaca shaqada ee Ciidamada oo qaarkood xaq u leeyihiin ay dalalkoodii dib ugu noqdaan.
Iyadoo arrintaas maanka lagu hayo ayuu Afhayeenka AMOSOM Korneel Cali Aadan Xumad oo la hadlay wakaalada wararka AP uu sheegay inay muddo kooban hakiyeen isku socodkii ciidamada, maadaama shakigaasi haatan soo baxayo.
Wuxuu sheegay in arrintaas ay u yeeleen markii dalal badan oo ku yaalla galbeedka Afrika uu ka dilaacay cudurka halista ah ee EBOLA kaasoo hadda gallaaftay ku dhawaad 700 oo qof.
Wuxuu sheegay in si gaar ah loo joojiyay askarta ka imman jirtay dalka Siraliyoon maadama dalkaas uu ka mid yahay dalalka sida ba’an uu ugu dilaacay.
Wuxuu tilmaamay oo kale, in AMISOM ay wax ka badaleyso qorshaha ciidamada la isku badalo ee qeybta ka ah howgalka Midowga Africa ee AMISOM.
Waddamada Itoobiya iyo Kenya ayaa billaabay in ay baaraan dadka ka immaanaya waddamada ka immaanaya galbeedka Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo badanaya walaaca laga muujinayo ciidamada AMISOM kuwaasoo laga yaabo in cudurka EBOLA ay keenaan dalka Soomaaliya oo ah goobo aan waxba laga qabin Karin xanuunkan oo u nugul, maadaama uu yahay dal gebi ahaanba burbursan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com