Maraykanka Oo Kooxda Al-shabaab Ku Tilmaamay Mid Ka Khatar Badan Dhiggeeda Al-qaacida
Washington:Aug,02,2014(SDN/QJ)-Admiran Eric T. Olson ooh ore taliye ugu ahaa Ciidamada gaarka ah ee Maraykanka, ayaa sheegay in Kooxda Al-shabaab ay ka shiddo badan tahay Kooxda Al-qaacido marka la eego weerarradii ay geysteen wixii ka dambeeyey dilkii Usama Bin Laden.
Sarkaalkaasi waxa uu ka digay in Hawlgalladda Alshabaab fuliyaan noqon karaan kuwo khatar badan, isagoo sheegay inay Alshabaab xubno ka yihiin Dagaalyahanno shisheeye oo u badan kuwa ka soo jeeda dalalka Reer Galbeed ee haysta Labada Baasaboor “Duwal-passport holders”, waa sida uu hadalka u sheegaye.
Taliyihii hore ee Hawlgalladda Ciiddanka Gaarka ee Maraykanka, Admiral Eric T. Olson waxa uu sheegay in Hawlgalladda Alshabaab u muuqdaan kuwo muddo dheer sii socon kara.
Dhinaca kale, Shabakadda Wararka ee smh.com.au, oo laga leeyahay dalka Australia, ayaa wax ka qortay Hawlgalladda kale ee Kooxaha Islaamiyiinta ee gacan-saarka la leh Alqaacida ka fuliyaan qeybo ka mid ah Calaamka.
Waxayna si gaar ah u tilmaamtay in khataro laga filan karo Boko Haram, Alqaacidada Yemen iyo Kooxda Dowladda Islaamka (ISIS) ee ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.
Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Milliteriga Maraykanka dileen Hoggaamiyihii Al-qaacida, Osama Bin Ladin bishi May ee sannadkii 2011-dii waxay Kooxahaasi kordhiyeen Kacdoonadooda iyo Hawlgalladda ay ka wadaan dalalka Somalia, Nigeria, Yemen, Syria, Iraq, Afganistan iyo Pakistan.
SDN/QJ