|

Gudoonka Baarlamaanka Somalia Muxuu ka Yidhi Dilka Xildhibaan Madeer

Muqdisho 01.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid, guddoomiyihii guddiga maaliyadda ee baarlammaanka, Allaha u naxariistee xildhibaan, Sheekh Aadan Madeer oo maanta lagu dilay Muqdisho.

Jawaari ayaa ka codsaday hay’adaha ammaanka in ay caddaaladda hor keenaan cidda ka dambaysa falalka lagu ugaarsanayo xildhibaannada.

Ehelada, qaraabada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed ayuu guddoomiyuhu uga tacsiyeeyey geerida marxuum Madeer, wuxuuna Alle uga baryey in uu u naxariisto.

Koox hubaysan ayaa maanta marxuumka ku toogatay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed