R.W Cabdiweli: Dilka Madeer waa mid loo geystay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed
Muqdisho Aug 01 2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa cambaareeyay dilkii xaq darada ahaa ee maanta loogu geystay degmada Xamar-weyne Marxuum Sheekh Aaden Maxamed Madeer oo ka mid ahaa xubnaha Barlamaanka Soomaaliya. waxana uu sheegay in dilka Xildhibaanka ay ku dhiirgelinayso Xukuumadda dagaalka ay kula jirto cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray, Guddoonka iyo xubnaha Baarlamaanka , qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajucuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe uga baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo Xildhibaan Sheekh Aaden Maxamed Madeer, isagana uu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo” ayuu yiri R.W Cabdiweli.
“Dilka Xildhibaan Sheekh Aaden Madeer wuxuu kamid yahay falalka ay kooxaha Nabad-diidku u geysanayaan Xildhibaanada oo ah Wakiillada Shacabka. Waxaan sii xoojin doonaa Horumarada muuqda ee u dhexeeya Shacabka iyo waaxaha amniga ee liddiga ku ah Nabad-diidka”
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Amniga in ay sameeyaan dadaal kasta oo suurto gal ah si dambiilayaasha loo hor keeno cadaaladda.
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun
SDN/QJ-Muqdisho