|

Todobaad kadib oo Maanta Muqdisho lagu Khaarajiyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia Iyo Alshabaab oo ku faanay

Muqdisho 01.Aug 2014 (SDN/QJ)- Rag hubeysan ayaa salaaddii Jimcaha kaddib magaalada Muqdisho ku dilay xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Madeer oo ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Dilka xildhibaanka ayaa ka dhacay meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, sida ay ku soo warramayaan weriyeyaal ka ag dhowaa halka uu dilku ka dhacay.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayay ka yimid masjidka Marwaas oo uu ku soo tukaday salaaddii Jimcaha, waxaana gaarigii uu watay rasaas ku furay dabley aan la aqoonsan oo goobta ka baxsatay.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer wuxuu ahaa guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Soomaaliya.

Geesta kale Kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa Sheegtay inay iyagu ka danbeeyeen Dilka Xildhibaankan

”Ciidamada mujaahidiinta ayaa gudaha Muqdisho ku dilay xildhibaan ka tirsanaa golaha sheegay inuu yahay sharci-dajiye, waana sii socan doonaan howlgallada lagu cidhibtirayo cadowga,” ayuu yidhi Abuu Muscab. Oo u hadlay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay ka go’an tahay hadafkooduna  yahay inay sii wadaan dilalka xildhibaanada baarlamaanka

“Alle ha idin barakeeyo ayaan leennahay mujaahidiinta gobolka Banaadir ku sugan. Waxaana ka go’an inay beegsiga xildhibaannada sii wadaan,  kuna beegsadaan meel walba oo ay ka heli karaan. Waxaana sharciyada ay hore u dajiyeen ka mid ah inay dalka soo galaan ciidamada shisheeyaha ah,” ayuu Abuu Muscab hadalkiisa ku daray

“Allaha u naxariistee xildhibaanka waxaa toogtay saddex nin oo bastoolado ku hubeysan, waxaana lagu dilay agagaarka masaajidka Afar irdoonka mar uu kasoo baxay salaaddii Jimcaha ee maanta,” ayuu yidhi xildhibaan Sidoow Abaadir oo ka tirsan baarlamaanka.

Arbacadii toddobaadkii hore ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan Saado Cali Warsame.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed