Nin Turjumaan u ahaa Ciidamada AMISOM Oo Muqdisho Lagu Toogtay
Muqdisho:Aug,01,2014(SDN/QJ)-Waxa Xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay Nin Soomaali ah oo Turjumaan u ahaan jirey Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo ay kooxo Hubaysani Rasaas ku dileen.
Dad Goob-joogayaal ah ayaa sheegay in Kooxo Bastoolado Ku hubeysan ay Nin Magaciisa ay ku soo koobeen C/naasir ku dileen Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.
Dilka kadib ayaa dableydii falkaasi geysatay ay meesha isaga baxsadeen iyadoo aanu jirin cid sheegatay Masuuliyadda dilkaasi balse Al Shabaab ayaa hore dilal la mid ah kaasi uga fulisay Magaalada Muqdisho.
Dadka shacabka ah, balse ku lugta leh Hay’adaha ajaanibka ah oo ay ugu horreeyaan Ciidamada AMISOM, ayaa badhtilmaameed u ah kooxaha dilalka qorshaysan ka fuliya magaalada Muqdisho, kuwaas oo inta badan aan gacanta lagu soo dhigin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com