Dhimashada Tiro dad ah oo La Socday Dooni Qaad Sidday Oo Ku Degtay Xeebaha Kismayo
Kismayo:Aug,01,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay Gobolka Jubada Hoose, waxa Goob aan ka fogay Xeebaha Magaalada Kismayo ku degtay Doonni sidday qaad ku socday Magaalada.
Doonta ayaa la sheegayaa inay Qaadka ka soo aaday Deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la Tilmaamayaa in cilad awgeeda ay doonidaasi u degtay.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Doonida ay ku degtay meel ku dhow Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo aan la aqoon waxa dhabta ah ee sababay in doonidu degto.
Sargaal sare Aadan Maxamed Koosaar oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada, ayaa cadeeyay in Doonidaasi ay la degtay Cilad maalmahaani heysay, waxana uu sheegay inay gurmad u direen.
Dhanka kale, Sarkaalkan, ayaa sheegaaya inay soo badbaadiyeen wadihii Doonta, Saddex isaga la socotayna ay ku dhinteen balse ay halkaasi ku la’yihiin Hantidii saarneyd.
Magaalada Kismayo ayaa inta Badan waxa qaadka Keena Diyaarado, balse Waxa jira Doonyo qaadka si sharci darro ah u keena, kuwaas oo ka soo qaado Magaalooyinka kale ee isla Maamulkaas hoos yimaadda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com