|

Muqdisho:Abaal-marino Loo Ballanqaaday Dadka Xogaha Al-shabaab Soo Gudbiya iyo Waxoogaa Guulo ah Oo Laga Gaadhay

Muqdisho:July,30,2014(SDN/QJ)-Abaal-marino loo Ballanqaaday qof kasta oo soo Gubiya Macluumaad la xidhiidha Miinooyinka ay kooxda Al-shabaa dhulka gelinayso iyo kuwa ay ku xidhayaan Gaadiidka gaarka loo leeyahay, ayaa u muuqda qaar tallaabooyinkii ugu horreeyey qaaday.

xieBalan-qaadyadan oo ay samaysay wasaaradda Amnigu ahaa ah qaar qofkasta oo macluumaadkaas keena lagu siinayo Abaalmarin shakhsi ah oo uu ku farxo, taas oo keeni karta inuu helo wax uu ku farxo, isla-markaana uu ku badbaadin karo Nafaha kumanaan Shacab ah oo aan waxba  galabsan.

Maxamed Yuusuf Cusmaan Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa tilmaamay in qofka muwaadinka ah la qarinayo magaciisa iyo wajigiisa intaba, Wasaarada Amnigana ay siinayso abaalmarin qaali ah oo uu ku farxo, weliba si deg deg ah oo isla maalintaasi abaalmarinta loo siinayo.

 

Abaalmarinta oo ah mid lacageed ayaa Afhayeenka, wuxuu ku sheegay in ay tahay abaalmarin lacageed oo qaali ah, qof walibana uu ku farxi doono, isaga oo dhanka kale tilmaamay in muwaadiniinta Gobalka Banaadir ku nool laga rabo soo gudbinta macluumaadka la xidhiidha Al-Shabaab iyo waxyaabaha ay maleegayaan ee ka dhanka ah amniga.

 

Midhihii Dhawaaqa Abaalmarinta ayaa natiijo keenay kadib markii25-Bishan gaadhi uu lahaa Wariye Maxamed C/laahi Xaaji oo waxyaabaha qarxa lagu xidhay ay usheegeen bulsho arkeysay xilliga waxyaabahan lagu xidhayey, taasi oo keentay in Wariyuhu uu ka bad-baado qaraxaasi lagu dili rabay.

 

Sidoo kale shalay oo Bisha 29 aheyd ayaa Gaadhi noociisa uu yahay NOHA oo waxyaabaha qarxa lagu xidhay uu sheegay mid kamid ah dadkii arkaye xilliga waxyaabaha qarxa lagu xidhaayey, Wasaarada Amniga ayaa sheegtay in muwaadinkaasi la abaalmariyay.

 

Dadka reer Muqdisho ayaa hada dareemaya qiimaha ay leedahay nabadda, inkastoo ay jiraan dad dhowr ah oo ku dhiiranaya sheegida waxyaabaha ay indhahooda ku arkaan ee amniga ku saabsan, hadana ma jirto kalsooni badan oo lagu qabo laamaha ammaanka oo ku saabsan gudbinta Xogaha dhanka ammaanka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com,

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed