|

Halkan Ka Akhri Magacyada Shan Nin Oo Taariikdha Markii Ugu Horraysay Al-shabaab Cafis Ku Sii Daysay

Muqdisho:July,30,2014(SDN/QJ)-Kooxda Al-shabaab ayaa Markii ugu horraysay waxa ay cafisay shank a mid ahaa Rag ah ku haysay Jeelasha ku yaalla Magaalada Baraawe ee ay gacanta ku haysa, taas oo  noqotay wax filanwaa ku ah Shacabka soomaaliyeed.

top-newsHogaamiye kooxeedka Gobolka Shabeellaha Hoose u qaabilsan Al Shabaab Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa sheegaaya in raggan ay nasiib u yeesheen in looga faa’iideeyo munaasabada Ciidul Fitriga.

Abu Cabdalla waxa uu tilmaamay in ragga la sii daayay aanu cusleyn dembiyadooda, sidaasi daraadeedna ay u garteen inay ka sii daayaan xabsiga, xilli uu muujiyay inay xabsiga ku hagaageen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Saraakiisha Shabaab ee xabsiga ka hawlgala ay soo gudbiyeen macluumadka la xidhiidha raggan, isla-markaana ay sheegeen inay xabsiga ku tooseen, sida uu xusay.

Waa markii ugu horreysay taariikha ee Al-Shabaab ay naxariisato ama ay dad kasii dayso xabsi.

Arrintan ayaa si weyn looga Hadal hayaa Guud ahaanba deegaanada Shabaabku gacanta ku hayaan, maadaama aan looga Baran kooxdan inay sii daayaan qof ay jeel geeyeen.

Magacyada 5-ta nin

Xasan Cali Cumar

Idiris Ibraahim Sheekh Cabdi

C/laahi Muuse Xasan

Axmed Jeylaani Shiimbaaw

Xuseen Maxamed Awal.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com,

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed