Cabdalla Aadan Adde oo Noqday Suxufigii Kowaad ee Maamulka Madaxweyne Cabdi Weli Gaas uu Xidhay
Garowe 20.July 2014 (SDN/QJ)- Cabdalla Aadan Adde oo ka mid ah Suxufiyiinta Madaxa banaan ee ka howl-gala Garowe ayaa ciidamo boolis ah xabsiga u taxaabeen fiidnimadii caawa, lamana garanayo sababta ka danbeysa xariga Suxufigan.
Sida ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Ilo madax banaan Wariye Abdalla ayaa lagu war-galiyey inuu u xiran yahay amar kasoo baxay masuuliyiinta dowlada Puntland.
Waa Suxufigii ugu horeeyey oo xabsiga loo taxaabo mudadii koobnayd ee ay jirtey Xukuumada Madaxweyne C.wali Maxamed Cali (Gaas) .
Talaabadan waxay muujinaysaa tacadiyada ka dhanka ah xoriyada hadalka iyo madax banaanida oo kusii xoogeysanaya Puntland.
Waa markii labaad oo uu Abdalla xarig kala kulmo Dowlada Puntland, iyadoona sanadkii 2013 Xukuumadii uu hogaaminayay Dr Faroole xabsiga dhigtay.
Waa Kuma Abdalla.
Waa qoraa ku xeel dheer faalooyinka xiisaha leh ,wuxuuna waayo aragnimo iyo aqoon mug weyn ka haystaa ku shaqeynta xirfada suxufinimo.
Abdalla oo muddo 7 sano ah ku sugnaa Puntland gaar ahaan Garowe ayaa horey uga yimid London dalka Ingiriiska, wuxuuna haystaa dhalashada dalka Netherland.
Codka hoose waa xog ay kasoo duubeen ilo madax banaan qaabka loo adeegsaday xarigiisa oo sida codka aad ka maqli doontaan uu kala kulmayo ciidanka saldhiga Garowe Juujuub iyo Aflo gaado ay u geysanayaan suxufiga.
Waxaana laga hor istaagay eheladiisa inay ugu geeyaan goobta lagu xiray cunto iyo gogol jiif xilli sida wararku sheegayaan gurigiisa askar ka xaysatay isaga oo aan afurin islamarkaana soomanaa.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com