Buuhoodle oo Maanta Si Balaadhan loogu aasay Garaad C.laahi Garaad Soofe oo Shalay Geeriyooday
Buuhoodle 20,July 2014 (SDN/QJ)- Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe oo kamid ahaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka Somaliland oo shalay ku geeriyooday magaalada Buuhoodle ayaa la aasay maanta, iyadoo aaskiisa ay ka qeybgaleen boqolaal qof oo meello kala duwan ka yimid.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo hogaaminayay Wefti balaadhan oo ka Socday Xukuumada Somaliland oo ay Wehelinayeen Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Mudane Cismaan Garaad Soofe,Boqoro,Salaadiin iyo Madax dhaqameed kale oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay Marxuunka Shakhsi nabada iyo Isu soo dhawaynta Bulshada Walaalaha ah wax ka qabashadooda ku dadaala Waxaanay Gaadhsiiyeen Tacsi ay uga sideen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Madaxweyne ku Xigeenka iyo Golayaasha Qaranka.
Afhayeenka golaha odayaasha dhaqanka ee Buuhoodle Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa sheegay in Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe uu ahaa shakhsi hoggaan wacan ku caan ahaa, si caddaalad ah dadka ugu shaqeyn jiray, islamarkaana uu Alle ka cabsi astaan u ahaa.
Garaadka ayaa kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya ee hadda dhisan.
Buuhoodle SDN/QJ
contact@qurbejoog.com