HALA HAKIYO :HABARTA KA TOOSTAY HARGEISA “MAGAADO”.
Intii Xukuumadda KULMIYE jirtay , waxa Somaliland hadheeyay qabyaalad khatar ku ah jiritaanka Somaliland. Qabyaaladaas waxa dhagax dhigay “Madaxwayne Siilaanyo . Sida lo ogyahay, shirkii GARADAG ee beelaha HJ wuxuu saamayn weyn ku yeeshay geedisocoda dimuqraadiyada Somaliland. Shirkaasi waxa kursiga ku fuulay Madaxwayne Siilaanyo. Laakinse beel waynta HJ ee sharfta iyo karaamada lehi maxay ka fa’aideen “Xukuumadda Axmed Siilaanyo”? Waxa qudha ee ay ka fa’ideen waa hafar, masabid iyo aflgaado . Hadaba ,waxa iminka soo baxay dhaq-dhaqaaq ku cusub saaxadda “Somaliland “’ oo la yidhaahdo “Habar Magaado “. Su’asho waxa weeye : “HABAR MAGAADO” jawaab quman ma u noqon karta “HABAR XABOOSHEED ”. Waxay ila tahay, waa jawaab qaldan oo jaahilnimo ka muuqato. Waa qabyaalad caadifadaysan oo ay maal-gelinayaan ganacsato & siyaasiyeen ku shaqaysanyaa dhalinyaro jibaysan.Waxay iila muuqata inaan qaladkii “ Garadag “ lagu saxin qalad kale oo ah “Gabiilay/Oodwayne/ Baligubadle/Salaxlaey/Saaxil” axis. Dhaliyaradda jibaysan ee hawshaas ku dhex jirta iyo saxaafadda buun- buunisa waxa inay si dhakhso u joojiyaan. Hogaanka Axsaabta Mucaaridka ahi , waa inay ka fogaadaan in lagu sawiro dhaqadhaqaas dhagaraysan. Ugu danbayntii, “Axmed wuu tegayaa ee si toogan haloo tukhaan-tukhiyo “
Ali Ibrahim “ BAQDAADI” , Toronto.