Shabaab Oo Tartan ku Dhex Qabatay Muqdisho iyo Saraakiil Xarakada Ka Tirsan Oo Hadallo Ka Jeediyey Xilii Xukumaddu Hurdo Gashay
Muqdisho:July,20,2014(SDN/QJ)-Xarakada Al-shabaab ayaa muujisay Awoodda ay ku dhex leedahay Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxana ay Gudaha Magaalada Ka hirgelisay Tartan Qur’aan oo muddo Soconayey.
Tartankan ayaa waxa Hoggaaminayey Saraakiil ka Tirsan Kooxda oo uu ugu horreeyo Sheekh Cali Maxamed Xuseen Sheekh (Cali Jabal) oo Xarakada Alshabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir.
Tartanka ayaa socday Muddo, waxaana ka qeybgalay Saraakiil ay baadi goob ugu jiraan Laamaha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia, hayeeshee waxaa ka hortaga Tartaankaasi aan ku guuleysan Ciidamada Ammaanka Muqdisho oo aan iyagu waxba kala socon Barnaamijkaasi.
Sheekh Cali Jabal oo Khudbad ka jeediyay Tartankaasi ayaa waxa uu Carruurta Tartanka loo qabtay ugu baaqay inay ku adkaadan barashada Qur’aanka waxa uuna ku dhiirigaliyay inaanay qaadan fikirada lidka ku ah Arrinta Xarakada.
Sheekh Cali Jabal ayaa dhowr jeer Dowlada Somalia ku eedeeyay inaanay waxba uga meel oollin Ammaanka Muqdisho, islamarkaana ay galayaan goobta ay doonaan xili waliba, waxa uuna Tilmaamay in Dowladu aanay laheyn Khibrado ku filan.
Dhanka kale, Tartanka ay Kooxda Alshabaab ku dhex qabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay amankaak iyo fajacba uu geliyey Saraakiisha iyo Laamaha Ammaanka oo iyagu badi ku howlan ka hortaga Alshabaab soo gala Magaalada Muqdisho, balse taasi ay ka turjumeyso Ogaansho la’aanta Laamaha Ammaanka.
Tallaabadan ayaa sidoo kale ah Farriin ay Kooxda Al-shabaab ka dirayso sida ay awood Buuxda ugu leedahay inay Tartan furan ku qaban karaan Goobo aan sidaas uga Fogayn Aqalka Madaxtooyada Somalia.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com