|

Dil Muqdisho Loogu Geystay Nin Ka Tirsanaa Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho:July,20,2014(SDN/QJ)-Koox ku hubaysnayd Baastoolado ayaa Habeenkii xalay ku dishay magaalada Muqdisho mid ka mid ahaa Shaqaalaha Garoonka Diyaaraha ee Aadan Cadde.

???????????????????????????????Ninkan, ayaa waxaa fiidnimadii xalay lagu khaarajiyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana si gaadmo leh u dilay  kooxdan oo markiiba ka baxsaday Goobtii ay dilka ka geysteen.

Maamulka Degmada Wadajir, ayaa wuxuu sheegay in la baadi goobaayo labadii nin ee dilkan geysatay, isla-markaana ay soconayaan dadaalo lagu doonaayo in lagu soo qabto.

Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay u muuqataa inaanay waxba ka qaban karin dilalka sida joogtada ah uga dhacaaya Magaalada Muqdisho.

 

Dilalka muqdisho ayaa haatan si gaar ah loogu badhtilmaamaystaa Dadka shaqooyinka u haya Dawladda marka laga Yimaaddo kuwa Hay’adaha Ajaanibka ah u shaqeeya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed