Yuusuf Garaad Oo Loo Magacaabay Xil Aad Uga Hooseeya Hankii uu Shacabka hore ugu sheegay
Muqdisho:July,20,2014(SDN/QJ)-Yuusuf Garaad Cumar Axmed ooh ore u ahaa Tifaftirihii Guud ee Idaacadda BBC-da qaybteeda Af Somalia, aya la sheegayaa in xil looga dhiibay madaxtooyada dhexdeeda.
Warbaahinta ku dhaw aqalka Villa Somalia, ayaa sheegaya in Yuusuf Garaad oo muddooyinkan ku Hawllanaa Dhinaca Siyaasaddu uu Haatan aqbalay inuu qabto xilka uu Madaxweynuhu u soo bandhigay oo xagga dambe laga shaacin doono, balse haatan labada dhinac aqbalaad isla garteen.
Yuusuf Garaad Cumar oo xilka Madaxweynenimada Somalia u tartamay ayaa quud dareyn dheer kadib wuxuu Madaxweyne Xasan ka aqbalay in loo magacaabo Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada, sida ilo xog-ogaal ah u sheegeen Warbaahinta.
Yuusuf Garaad Cumar, oo hore u sheegay inuu dhowr mar wasiir weydiistay madaxweynaha Somalia, qudhiisuna uu utartmay madaxweynenimo, ayaa waxa uu xilkani ka dhigayaa mid muujinaya in hamigiisii siyaadeed uu hoos u dhacay.
Xilka madaxa warfaafinta ee Villa Somalia, ayaa ah mid bilaa xarakaad ah, oo aan shaqo badan lahayn, maadaama aanu raacsaneyn afhayeenka madaxtooyada.
Yuusuf Garaad, ayaa muddo mucaarad ku ahaa madaxweynaha, isaga oo faallooyin iyo hadallo dadban si aad ah ugu weerari jiray Xasan Sheekh.
Wali si ramsi ah looma soo saarin Waraaqda lagu magacaabay, saxaafaddana lama soo gaadhsiin, balse arrintani ayaa ah mid aanay inta Badan dadka taageera Yuusuf Garaad filaynin, maadaama uu Yuusuf hore iskugu soo sharraxay Xilka Madaxweynenimo ee uu haatan hayo Xasan sheikh, waxana Mansabkana loo arkaa mid aan laga filayn inuu xilligan qaadan doono Yuusuf Garaad.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com