|

Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Danaynayso Sii Socoshada Wada-hadallada Bilaa Natiijada ah ee kala Dhexeeya Somalia

Hargeysa:July,20,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soamliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka go’an tahay sidii ay u sii socon  lahaayeen wada-hadalladii Somaliland iyo Somalia u dhexeeyey oo muddooyinkii dambe Hakad galay.

WASIIR-BIIXI-00Wasiir Maxamed Biixi oo maalintii shalay dalka dib ugu soo noqday, ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay dhegaha u furaan Odhaahaha dadka dhaliilsan Wada-hadallada, balse ay xukuumad ahaan aaminsan yihiin in wada-hadallada la sii wado, “Annagu dawlad ahaan waxanu aaminsanahay in masuuliyadda wada-hadalladu ay dawladda saaran tahay, dabcan waanu dhegaysanaa arrimaha ka yimaadda Golayaasha, jara’idka iyo shacabkaba, wayna dhici karaan khilaaf, hawlo aanu ku heshiinayna waa laga yaabaa inaanay fulin laakiin micnaheedu ma aha in wada hadalladii la joojiyo, waxana aanu doonaynaa in waliba la sii ballaadhiyo oo dad kalena ka soo qaybgalaan.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka arrimaha Dibadda mudane Yoonis waxa uu caddeeyey inaanay Dhiggooda Somalia wali keenin Qoraal  cad oo ku saabsan Mawqifka Wada-hadallada labada dal, balse ay  Somaliland dhankeeda dan u aragto in la sii wada Hadalo, isla-markaana ay Dalal shisheeye ka qayb noqdaan wada-hadallada, waxana uu yidhi,

“Wali si rasmi ah siday yeeli doonaan ma soo sheegin laakiin,Waxanu qabnaa in danta Somaliland ay ku jirto in wada hadalladu sii socdaan caalamkuna inna dhex galo oo waliba Dawladdo Turkigu ka mid yahay ay ka qaybgalaan.”

Mucaaridka Somaliland ayaa dhawaan si wada jir ah ugu dhawaaqay in xukuumadda looga Baahan yahay inay ka baxdo wada-hadallada ay la leedahay Koonfurta Somalia,  maadaama sida ay sheegeen in somalia ka baxday heshiisyo badan oo labada dhinac u yaallay oo ay ka mid tahay midka Arrinta Hawada ku saabsani, balse Haatan waxa ay xukuumaddu caddaysay inaanay ka baxaynin wada-hadalladaas gaabisku yimi muddooyinkii dambe.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed