|

Warbixinta wax qabad ee todobaadlaha ah ee dawlada Soomaaliya

Mogadishu July 20 2014(SDN/QJ) – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlayey arrimo ay ka mid yihiin, Qorshaha Maamul Wanaagga Dowladda, Wadatashiga Dib u eegista Dastuurka, Qalab beero oo la gaarsiiyey beeraleyda Afgoye, Guddi farsamo oo loo sameeyey dhismaha Maamul Goboleedka Kofur Galbeed, Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhinaya Mareykanka oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay, Dowladda oo 500,000 oo dollar ku bilowday gar-gaarka bani’aadanimo, Sagootin loo sameeyey Safiirka Turkiga, Heshiis Wasaaradda Maaliyadda iyo Sanduuqa Kuwait iyo baaqa bisha barakeysan ee Ramadan.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Qorshaha Maamul Wanaaga Gobolka Banadir ayaa yiri “Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka ayaa hirgelisay qorshe guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir la doonayo inay maamul wanaag gaarsiiyaan degmooyinkooda. Wasiirka Arrimaha Gudaha & Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa furay barnaamijkan oo socday 13kii ilaa 17kii July 2014, isla markaana sheegay muhiimada maamul wanaaga ay u leedahay sidii shacabka loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah. Dowladda Federaalka ayaa ahmiyad gaar ah siineysa sidii dhammaan hay’adaha dowladda ay u hirgelin lahaayeen maamul wanaag keeni kara in kalsoonida shacabka la kasbado oo shacabka loo horseedo maamul hufan. Arrimaha diirada lagu saaray qorshahan ayaa waxaa ka mid ah sidii loo xoojin lahaa xasilinta, amniga, iyo maamulka iyo maareynta maaliyadda.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Wadatashiga Dib u eegista Dastuurka ayaa yiri “13kii July ayaa kulan wadatashi ah uu ka dhacay Muqdisho, oo ay soo abaabuleen Wasaaradda Garsoorka & Dastuurka iyo Guddoonka Baarlamaanka. Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegista Dastuurka oo ku guda jira howlihii loo igmay. Sidoo kale waxaa kulankan ka soo qeybgalay Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirada ee arrimaha Siyaasadda, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. 16kii July ayey Guddiga Dib u Eegista Dastuurka kulan la qaateen bulshada Soomaaliyeed oo ay ku dhageysanayeen afkaarta iyo tallooyinka shacabka. Dowladda waxaa ka go’an sidii guddiga dib u eegista ay u heli lahaayeen tasiilaadkii ay si madax bannaan howlahooda ugu qabsan lahaayeen, oo ujeedada kulamadu ahaayeen in guddiga loo caddeeyo taageeradaas buuxda ee dhammaan hay’adaha dowliga ah. Guddigan ayaa lagula dardaarmay inay dar-dargeliyaan dib u eegista dastuurka si dalku u yeesho Dastuur dhameystiran oo shacabka Soomaaliyeed laga qeybgeliyey hirgelinta barnaamijkan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Qalab la gaarsiiyey Beeraleyda Afgooye ayaa yiri “Wasaaradda Beeraha oo in muddo ahba waday sidii loo dhiiri gelin lahaa beeraleyda Soomaaliyeed inay tabcadaan beerahooda ayaa 14kii July, Wasiirka Beeraha Cabdi Maxamed Baafo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaareen degmada Afgooye oo ay halkaas beeraleyda Soomaaliyeed ugu deeqeen qalabka beeraha oo u sahlaya beeraleyda inay beerahooda si fudud u tabcadaan iyo qalabka u fududeynaya beeraleyda inay ceelasha biyaha ka soo saartaan. Qalabka ayaa waxaa ka faa’iidaya 250 beeraley Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey u mahadcelineysaa Hay’ada Qatar Charity oo qalabkan ugu deeqday beeraleyda Soomaaliyeed, isla markaana u soo marsiisay Dowladda Federaalka, tanoo dhiirigelineysa isla markaana sii xoojineysa hay’adaha dowliga ah. Sidoo kale waddamada deeqaha bixiya waxaan kula dardaarmeynaa muhiimadda ay leedahay in Dowladda lagala shaqeeyo sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa adeegyada bulshada oo shacabka u fahmi lahaa faa’iidada dowladnimada.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Guddiga farsamada ee maamulka KMG ee Koofur Galbeed ayaa yiri “ Dowladda Federaalka oo beryahanba waday dib u heshiisiin beelaha dega gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose ayaa ku guuleystay in beelaha deegaanka ay si wadajir ah isagu raacaan guddi farsamo oo ka howlgali doona sidii loo dhisi lahaa maamulka KMG ah ee Koofur Galbeed. Guddigan ayaa ka kooban 18 qof oo la shaqeyn doona dadka deegaanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si maamulka la dhisayo uu u noqdo mid ka yimid rabitaanka shacabka isla markaana ay horsed ka tahay Dowladda Federaalka si loo waafajiyo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka. Xafladii magacaabista guddigan oo uu Ra’iisul Wasaaraha ku dhawaaqay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka, iyo Madax dhaqameedka beelaha deegaanka gobolladaas. Wadatashiyada iyo dib u heshiinta socotay muddo ayaa aheyd mid ay dowladdu hoggaamineysey, isla markaana ku saleysneyd fikir Soomaaliyeed. Tanoo ah horumar ballaaran oo loo qaaday dhanka nabadeynta iyo horumarka Soomaaliya.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka oo waraaqihiisa aqoonsiga laga guddoomay ayaa yiri “14kii July Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Marykanka Mudane Omar Abdirashid Ali Sharmake oo noqonaya safiirkii ugu horreeyey tan iyo 1991kii. Mudane Omar Abdirashid ayaa Madaxweynaha Mareykanka u gudbiyey salaan iyo fariin uu uga sida Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud. Sidoo kale waxuu uga mahadceliyey dowladda Mareykanka sida dhaqsida leh ee loo dadejiyey aqoonsigiisa. Tallaabadan ayaa ah mid sii xoojineysa xiriirka labada dal iyo labada dowladood. Tan ayaa tusaale u ah horumarka ballaaran ee dowladdu ka gaartay diblomaasiyada caalamka. Mareykanka ayaa ah dowladdaha ugu horreeya ee Soomaaliya ka taageera dhanka amniga iyo sidii loo soo celin lahaa Dowladnimada Soomaaliya.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Dowladda oo 500,000 oo dollar ku bilowday gar-gaarka bani’aadanimo ayaa yiri “Golaha Wasiiradda ayaa 17kii July ka dooday xaaladda bani’aadanimo ee dalka ka jirta oo ay sheegeen in roobabkii oo yaraaday, qiimaha raashinka oo kacay, iyo is hortaaga kooxaha argagaxisada in ganacsatada ay gaaraan gobollada oo dhan ayaa keentay in cabsi laga qabo in xaaladii macluusha ee 2011 ay soo noqon karto. Sidaas daraadeed, golaha wasiiraddu waxey ugu baaqeen caalamka in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro shacabka Soomaaliyeed. Golahu waxey go’aamiyeen in 500,000 oo dollar in dowladdu ay ku bilowday qorshahan gar-gaarka bani’aadanimo, guddi heer wasiir oo ka kooban 7 ayaana loo xilsaaray arrinkan oo uu guddoomiye ka yahay Wasiirka Beeraha Cabdi Maxamed Baafo. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo qurbojoogta Soomaaliyeed inay kaalin mug leh ka qaataan sidii shacabka looga bad-baadin lahaa in abaaro ba’an ay dhacaan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Sagootin loo sameeyey Safiirka Turkiga ayaa yiri “17kii July fiidkii ayaa xaflad Afur iyo casho sharaf ah oo lagu sagootinayey Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia, Mr Kani Torun, oo sanadkii 2011 noqday Safiirka Turkiga ee Somalia. Madaxda Qaranka ayaa ka qeybgashay xafladan oo uu Madaxweynaha ka hadlay aadna u ammaanay doorkii saliimka ahaa ee Safiirku uu ka soo qaatay sidii xiriirka labada dal uu u gaari lahaa heerkii ugu sareysey. Turkiga ayaa si toos ah ula shaqeynayey dowladda Soomaaliya oo gar-gaar bani’aadanimo iyo mashaariic dib u dhis ka hirgeliyey dalka, taas oo ay ku kasbadeen kalsoonida shacabka. Turkigu waxey bedeleen sidii caalamku ula dhaqmayey Soomaaliya oo maanta doorkooda uu yahay mid la doonayo waddamada kale inay ku daydaan bacdamaa waxqabadkoodu uu yahay mid muuqda oo ka tarjumaya baahida shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Heshiis ay Wasaaradda Maaliyada la gashay Sanduuqa Kuwait ayaa yiri “Wasaaradda Maaliyada ayaa heshiis ay la gashay Sanduuqa Kuwait u soo bandhigtay golaha wasiirada 17kii July. Heshiiskan ayey Sanduuqa Kuwait ku maalgelineysaa 3 milyan oo dollar ee dhanka kobcinta dhaqaalaha oo mashaariicda dadka danta yar loogu fidinayo fursado shaqo abuur ah oo keenaya in dhaqaalaha dalka uu kobco. Wasaaradda Maaliyadda ayaa in muddo ah waday sidii horumar ballaaran looga sameyn lahaa dhanka maamulka iyo maareynta maaliyadda oo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu hadda u shaqeeyaa si waafaqsan qawaanuunta caalamiga oo hay’adaha World Banka iyo IMF ay kala shaqeeyaan hagaajinta iyo horumarinta maamulka maaliyadda oo kalsooni siiyey beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed. Sanduuqa Kuwait ayaa ku ammaanan heshiiskan iyo sida ay uga go’antahay in la kobciyo dhaqaalaha Soomaaliya.”

Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlay baaqa bisha barakeysan ee Ramadan ayaa yiri “Waxaan ku guda jirnaa 10kii danbe ee bisha Ramadan, sidaas daraadeed, waxaan markale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in dadka aan afurka heysan la gar-gaaro oo la taageero lagana warqabo. 15kii July ayaan booqday barakacayaasha Muqdisho oo aan la afuray, waxaana ii muuqday dayac fara badan oo dadka intooda badan aysan heysan afur iyo raashin. Waxaa nala gudboon dhammaanteen inaan damqano oo aan u wada gurmano dadka tabaaleysan. Ugu danbeyntii waxaa nagu soo foodleh Ciidii oo ah maalmo farxadeed noogana baahan inaan deriska iyo inta aan wax heysan ka farxino, oo carruurta loo iibiyo dhar ciid si ay u dareemaan muhiimadda munaasabada ciida. Waana inaan ka wada faa’iideysanaa fursadaha bisha barakeysan ee Ramadan oo aan ka wada shaqeynaa nabada, dib u heshiisiinta, is cafinta iyo isu gar-gaarka bani’aadanimo oo midnimada ummadda laga wada shaqeeyo.”

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed