|

Wasiir Xirsi:Waxaan Ilaahay Inoo Waydiinayaa Dembi Dhaaf iyo Derajo Sare

Maka July 20,2014(SDN/QJ)-Waxaan Guddan Doonaa Cimro Maalmahan Barkaysan kadib ayaan Wixii kale ee Hawl ah qaban Doona Insha Allahu”

Alxamdullilah Waxaan soo nabad gaadhay Xaramka Barkaysan si aan u guto Cimro Maalmahan Khayrka badan.

Kadib waxaan kulamo la qaadan doonaa Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Sucuudiga meelo kamida si aan isugu dhiiri gelino ka qayb qaadashada horumarka dalka ka socda guud ahaan iyo waddooyinka gaar ahaan.

Waxaynu ognahay Qiimaha ay leeyihiiin tobanka dambe ee Bisha Ramadaan iyo Habeenka u dhigma Kunka Bilood ee Alle ku dhex qariyey “Laylatul Qadr” si aynu u dedaalno.

Guud ahaan Shacabka reer Somaliland ehel iyo asxaaba waxaan Illahay inooga Rajaynayaa in uu inoogu dembi dhaafo Fadliga Bisha Barakaysan Isla markaana inagu guuleeyo Habeenkaas qaaliga ah.

Allahuma Aamiin

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

 

Comments are closed