|

DAAWO:Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Mashaariic laga Hirgaliyay Cisbitaalka Guud

Hargaysa July 20,2014 (SDN/QJ)- Wasiirka  Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,ayaa  xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo cisbitaalka guud laga hir galiyay kuwaasoo isugu jiray qaar ay dawladda Somaliland fulisay,kuwo ay hayad way wasaarada wada shaqayn leeyihiin ka caawisay iyo qaar ay dhismahooda fuliyeen hablo muwaadiniin ah oo dalka iyo dibadiisa ku kala sugan.

Ugu horrayn Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Xagla Toosiye,ayaa u mahad naqay cid kasta oo ka qayb qaadatay hir galinta mashaariicdan isla markaana tilmaamay in ay baahiyaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa wax weyn ka qaban doonaan adeegyadan ku soo kordhay.

Waxaa kaloo uu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland sheegay in ay qorshaynaan in Cisbitaalka guud ee Hargeysa in uu noqdo mid daboola dhamaan baahiyaha caafimaadka Somaliland ee ay u baahan yihiin bulshada reer Somaliland  oo qaarkood imika dibadda loo tago.

Munaasibada xadhiga lagaga jarayey mashaariicdan laga hir geliyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo ka dhacday xarunta cusbitaalka ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta wasaarada caafimaadka, guddida caafimaadka cusbitaalka guud, hay’ada fulisay mashaariicdan marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed ka hadlay mashaariicdan laga fuliyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay “munaasibadan muhiimka ah ee aynu ku furayno  qaybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee hargeysa lagu soo kordhiyay ee  ku soo biiray oo ay ka mid tahay dhismaha maamulka oo Wasaaradu ay ku samaysay dib u habayn, qaybta caruurta ee u baahan xanaanada gaarka ah, qolalka lagu kordhiyey  goobaha maydka lagu maydho, waxaanan aad ugu mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hir gelinta qaybaha kala duwan ee lagu soo kordhiyey cusbitaalkan.” Ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Xaglatoosiye.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo hadaliisa sii wata ayaa intaa ku daray

“Waxaa naga go,an in Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa in uu noqdo  Cisbitaal daboola dhammaan baahiyaha caafimaad ee bulshadeennu u baahan tahay  oo qaarkood meelo fog fog loo tago adduun badanina inagaga boxo,isla markaana hawl badani dadkeenna ka gaadho.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame  ayaa sheegay in qaybaha lagu kordhiyey cusbitaalka guud  ee magaalada Hargeysa ay u dhamaystiran yihiin qalabkii ay u baahnaayeen iyo shaqaalihiiba, waxaanu tilmaamay inay dhawaan dhamaystireen qorshaha lagu dhisayo cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Axmed Xaaji Cumar ayaa waxa uu sheegay  in qaybaha cusub ee lagu soo kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ay wax weyn ka tari doonaan hawlaha guu qabto cusbitaalkani, waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqay qaybta caruurta oo uu sheegay inay wax badan dabooli doonto, isaga oo tilmaamay in maanta lagu wareejin doono  ambalaasyo cusbitaalka u shaqayn doona.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed