|

“Keenee Gar daran Hargaysa iyo Sallaxley” Mujaahid Cali Guray

Hargaysa 19.July 2014 (SDN/QJ) Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa Qoraal uu soo Saaray isla markaana aan ka soo Xiganaya Barta uu Ku leeyahay Shabakada Isku Xidhka Bulshada ee Face Book Waxa uu kaga Hadlay Muranka u dhexeeya Hargaysa iyo Degmada Sallaxley oo Salka ku Haya Xuduudaha ay Wadaagayaan.

cali gurayQoraalka Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa u dhignaa Sidan “Waxa jiq isku ah golayaasha degaamada ee caasimada Hareysa iyo Salaxlay. Muranka u dhexeeya labada dhinac ee dhulka ama xadka labada degaan ee caasimada iyo Salaxlay waxa kow ka ah dhinaanshaha shurciga oo kolka hore waxa aan jirin Xeerkii caasimada oo muddo ka badan lix sanadood ahaa mashruuc sharciyeed si ula kac ah loo horjoogay inu ka gudbo baarlamaanka,sababtana waa laguu yaqaan ama nin rag ihina wuu og yahay nacasna loo sheegimaayoba dheh,i Waxa kale oo isaguna qabyo ah Xeerkii Kala Xadaynta Gobolada Iyo Degmooyinka. Sidaa daraadeed hadii dayax la waayay xidigaha in lagu gudo dan baa tidhi.
Marka ugu horaysa waxa haboon in la fahmo dhulka la hubo ee caasimadu in uu yahay magaalada oo ah inta uu dhismaheedu gaadho. Fiditaanka xawliga ku socda ee magaaladu haba jiro eh waxay ahayd inay ku fiddo sharci iyo qorshe cilmi ku fadhiya oo aan fiditaankeedu noqon jaantaa rogan iyo baloodhayn sida ay hadda tahay.Inta aynaan ku boodin arinta ku xusan mawduuca ee aynaan u garqaadin Salaxlay iyo Hargeysa bal in yar aynu dib u milicsano hab dhaqanka Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo waxa ay ugu yeedho Qorshaynta Dhulka lakiin anigu aan odhanayo baloodhaynta dhulka banaan. Dawladda Hoose ee Hargeysi waxay mar walba danaysaa mudnaanta koobaadna siisaa inay dhul cusub oo ka baxsan magaalada ay qorshayso iyada oo dhamaan dhulalka ay qorshaysaana ay yihiin kuwo ay u sharciyaynayso shakhsiyaad iyagu sheeganaya lakiin aan runtii lahayn ama wada lahayn dhulka loo sharciyaynayo lakiin ay madaxda dawladda Hoose iyo xubno ka mid ah Golaha Deegaanka oo ka soo jeeda hayb ahaan jiida la qorshaynayaa ay heshiis gaar ah leeyihiin, iyaga oo had iyo goor xubnahaasi ka noqdaan cago demdemlayaasha u dhexeeya madaxda Dawladda Hoose iyo qabqablayaasha dhulka aanay lahayn ama wada lahayn loo sharciyaynayo. Qorshahaynta dhulka oo ah mashruuc danwadaageed oo dhincyo badan kulmiya mararka qaarkoodna ay xataa bilayska iyo maxkamaduhu ka qayb galaan qori tuurka saami qaybsiga qorshaha baloodhaynta dhulka banana eek u salaysan qiyaasta baloodhka ee loo yaqaan (LIXDAN IYO SIDEETAN) iyada oo tobankii baloodhba inta la isku xidho la yidhaa bolog(block). Bolck-yada waxa kala dhex mara ama loogu talogalaa inay kala dhex maraan wadooyin kala qoqoba oo baladhkoodu yahay lix ilaa shaniyotoban mitir.
Qorshaha noocan ihi maaha mid inagu cusub ee waa mid ku abtirsada xiligii Siyaad Barre oo aan waxba laga bedelin waxanu si toos ah carqalad ugu yahay qorshii saxa ahaa ee caasimadaynta Hargeysa oo u baahnaa runtii in si curin iyo halabuurnimo leh looga baaraan dego loona dejiyo.
. Marka la isku wada daro dhulka la baloodhaynayo 30% ayaa lagu sheegaa Dan Guud hadaba marka dambe la waayaahalka 70% na ay noqoto dan gaar ah oo cidii dhulka loo qorshaynayay iyo intii la hal maalaysay ay sharci ahaan u yeeshaan . Xataa hadii ay jeclaan lahaayeen masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargey awood uma laha in qorshahooda dhulka ay ku saleeyaan danta guud iyo baahida bushada ku nool caasimadda waayo maba hayaan dhul ay u madaxbanaan yihiin qorshihiisa. Sidaa darteed ayaa qorshaha dhulka ee Dawladda Hoose ee Hargeysi uu yahay mashruuc ku wajahan baloodhaynta dhulka iyada oo cidda ugu dambaysta loo adeegayaana ay tahay qabqab layaasha dhulka aanay lahayn ama wada lahayn loo sharciyaynayo. Mararka qaarkood dhulka la baloodhaynayo waxa dhacda in la isku qabsado oo ay isku qabsadaan laba dhinac oo aan mid koodna aanu ka lahayn inta kale ee muwaadiniinta ah ee iyagu xataa meel ay ku nooladaan ama degaan aan ku lahayn dhulkii ilaahay ku abuuray. Cadaalad darada ka jirta dhinaca dhulka ayaa sabab u ah in laba muwaadin oo u siman dhulka uu midna ka waayo buqcad uu dego oo ku noolaado mid kale na loo baloodheeyo dhul boqolaal iyo boqolaal balood u noqda oo qiime qaali ah uu kaga iibiyo cidii awooda, gaal iyo muslin shisheeye iyo sokeeyaba.

la soco qaybta dambe

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed