|

Siyaasi Lafo-guray Dhaxalka Taariikhda U Galay Xukuumadda Kulmiye Ee Afar jirsatay

Hargeysa:July,19,2014(SDN/QJ)-Xogyaha Siyaasadda ee Xisbiga Waddani Maxamud Raage oo hore  xubin muhiim ah uga Ahaa xisbiga Kulmiye, isla-markaana ka mid ahaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa si weyn u lafo-guray Dhaxalka taariikhda u galay Xukuumaddan oo afartii sanadood u buuxsameen.

maxamuud raageMaxamuud Raage ayaa Qoraal dheer oo uu kaga Hadlayo waxyaabihii ka qabyoobay xukuumaddan Kulmiye ee ay Mihiimadda koowaad ka dhigatay markii  hore kaga Hadalay Qoraalkiisan.

Waxa uu sidoo kale kaga Hadlay Tallaabooyin faro ku-tiris ah oo ay qabatay Xukuumaddu, kuwaas oo aan wax weyn ka ahayn marka loo eego Ballamihii ay samaysay iyo wakhtigii ay soo qaaday.

Qoraalka ayaa sidtan ku Bilaambay:

 

“Waa Wershada Sibidhka Berbera oo shaqo looga Sameyn lahaa kumaankun dhalinyaro oo reer Somaliland ah .

Hor iyo horaanba waxaa illaahay aan ka baryayaa in dhamaan umada muslinka ah uu ina waafajiyo wanaaga bisha barakaysan ee ramadaan , Rabbi qoorteena ha ka xoreeyo naarta, Mana aan jeclayn in aan maqaalkan taxanaha ah aan daah furo, Laakiin xildhibaano saaxiibaday ah oo aanan marnaba u quurin wax ceebaal ah , baa waxa aan diiday marqaatiga ay ramadaantaas furayaan iyaga oo doonaya in ay cilaaqaan gudoomiyahooda iyo xisbiga uu hogaaminayo ee Waddani .

 

Runtii iyada oo aan lays aflagaadayn ayaa la rabaa in uu shaqsi walba soo bandhigo aragtidiisa oo ku saleysan xaqiiq iyo run , keenana cadeymo iyo tusaalooyin, Maxkamada garta qaadeysaana maaha tan ay dawladu budhka la hor fadhido ee waa ta shacabka Reer Somaliland ee qiimaha badan, kuwaasoo laysku haysto codkooda, inkastoo madaxtinimada uu Rabbi bixiyo hadana waxaa lagu kala calaf qaadayaa codka shacabka reer Somaliland.

Hadaan usoo noqdo marka la qiimaynayo waxqabadka dawlada mudadii 4sano ahayd ee ina soo dhaaftay , jawaabta laga dheegan maayo in Wasiir 10 daqiiqo la hadlo Media ama warbaahinta ama qiimayn ay dawladu isku sameyso ama Xildhibaan warqad A4 ah u qaybiya mareegaha ama aniga oo 1 article oo mucaaridad ah soo dhiga wargeysayada ee waa arin intaa ka qoto dheer oo u baahan daraasad rasaamaalkeedu yahay run iyo Cadaalad.

Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in aynu eegno oo is weydiino Dawladan oo aan ka mid ahaa ragii kusoo tabcay , lana shaqeeyey mudo 2sano ah kagana tegay saluug iyo anoo diiday hab dhaqankeeda bal aynu isla eegno maxay dawladani ka qabatay arimahan.

 

1. Sugida Caadaladda iyo Illaalinta Xaquuqda muwaadiniinta

 

2. Siyaasada Difaaca Qaranka iyo adkaynta amniga dalka iyo umadaba

 

3. Siyaasada Dhaqaalaha

 

4. Arimaha Debeda iyo Xidhiidhka Caalamiga

 

5. Horumarinta Adeegyada Asaasiga ah

 

6. Horumarinta Bulashada

 

7. Xoojinta Tayada Dawladnimada iyo Maamul Wanaaga

 

8. Horumarinta Deegaanka iyo Nolosha Reer Miyiga.

 

Waxaan jeclahay in aynu qodob qodob u dul istaagno oo ka doodno, Loomana baahna nin jeclaysi , Reer Jeclaysi , ama adiga oo doonaya in aad iska maagto nin milgo iyo sharaf ku leh shacabka in aad usoo fuusho media maaha muxaafidnimo iyo mucaaridnimo midoodna , waana wax runtii laga xishoodo in been iyo buhtaan lala doonto gudoomiyaha golaha wakiilada ama laga sheekeeyo caafimaadka madaxweynaha ee waa in aynu ka wada hadalnaa shaqada inaga dhaxeysa oo ah sida aynu u wada ilaalin lahayn Dalka iyo Dadka ree Somaliland kuna tartarnaa sida aynu u hor marin lahayn.

Hadii aad Xildhibaan tahay mudona 10 sano aad fadhiday golaha wakiilada oo shaqadan kaa hor timid jeclaysatayna in aad u wareegto Golaha Fulinta Dawlada oo madaxweynuhu ku magcaabo, ha ku raadin in aad nin walaalkaa ah oo aad mudo 10 sanadood taqaanay aad been hafarto ama ka sameyso dacaayado xaqiiqda ka fog.

Ugu danbeyn hadii aad ganacsade tahay waxaa la qiimeeyaa sanad walba in aan qasaartay ama faa,iiday, sidoo kale hadii aynu dawladeena u qiimayno 4 sanadood ee ina soo dhaafay , kana duulno 8da qodob ee aan kor kusoo xusay , anigu waxaan qabaa in ay shacabka Somaliland ka helin wixii ay ka filayeen ama ay dhimatayba

kalsooni lagu qabi karo waxaana kaga jawaabayaa daraasadan aan ku eegayno qoraalada soo socda inaga oo ka duulayna baahiyaha asaasiga ee umadeenu qabto. Waxaan kuu sii hormarinayaa Sawirka Cusbitaalka

Cusbitaalka Qaaxada ee Ceerigaabo iyo Xaaladda ay ku sugan yihiin bukaanka kusoo hirtay oo ka eegayey gargaar.

Kawaran hadii ay isugu kaa daranto Cudurka Dilaaga ah ee TB tuberculosis ama qaaxo , aadna weydo wax ku daryeela, Raashin weydo ma qaadan kartaa daawo, Ma is weydiisay meesha ay martay dhamaan dhaqaalihii ay inoogu deeqeen dawladaha reer galbeedka ah, Kuwait, UAE, ama lacagta la hadal hayo ee loo bixiyey Somaliland Development Fund oo dhan 40 Million oo ay bixisay Dawlada UK iyo 22 Million oo ay bixisay Dawlada Denmark

 

Abwaankii Rabbi haw naxariistee Gaariye wuxuu yidhi

 

Nin dhegaa dabooshoo

 

Indhaa duubtay maqal

 

Iyo ma dareemo muuqaal

 

Dhismaha Cusbitaalka Qaaxada ee magaalada Ceerigaabo

 

Ama rumeyso ama ha rumeysan waxaan ku oohin dhameystay geedka ku horyaal cusbitaalka , waa gobolkii aan ku dhashay , waa ka ay ku aasan yihiin dhamaan tafiirta reer Somaliland , waxaa hadheysay gobolka dayac dhamaan adeega bulshada,xitaa shaqaalaha cusbitaalku ma joogaan in ka badana 2 saacadood. Waxaan idiin soo gudbin doonaa warbixin ku saabsan cusbitaalkan oo ku baxaysa luuqada Englishka oo ay duubeen rag muwaadiniin ah.

 

Ama ila eeg xaalada Wershada Sibidhka oo ay dawladii ku guul dareysatay in ay 4 sano furto oo hada Sibidhka laga keeno Ethiopia inaga oo dhaqaalaheenaba markii horeba ku baxayey geedka qaadka oo aynu kasoo iibsano Ethiopia Waa Wershada Sibidhka Berbera oo shaqo looga Sameyn lahaa kumaankun dhalinyaro oo reer Somaliland ah . lagagana hor tegi lahaa tahriibta oo aynu ka dheregsanahay in Caruurteenii ku dhamaatay Bada Liibiya iyo Saxaraha Suudaan, Hadaba Maxaa Hortaagan in Wershadeena aynu Furno? Jawaabta oo gaaban waa awoodarida dawlada iyo hogaamin xumada haysata iyo Go,aan la,aantooda.

Waxaan kusoo gunaanadayaa mar 2aad waxa uu yidhi alle unaxariisaygii maynaan aqoonini allow janadaada fardowsa gee ,

 

Dad haduu istodana

 

Danyarba sokeeye leh

 

Dugsigeenu way yaga

 

Ugu danbeyn markastoo aad qoraaladeyda aqriso illaahay inoo barri in uu dhexdeena kasoo saaro hogaamiyaal xalaal cun ah, iska dhawra xoolaha masaakiinta, inagana ina walaaleeya oo inaga kaxeeya sanabka qabyaalada ee inoo noqday cabirka wax walba

 

Qalinkii

 

Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani

 

Maxamuud Raage Ibrahim

 

Secpoliticalaffairs@yahoo.co.uk

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed