|

“Waxaa maanta caalamka ka jiraa is riixida xaga dadka ah umadda reer Somaliland maaha dad badan oo iska caabiyi karta” Sh.Aadan Siiro

Hargaysa 19.July 2014 (SDN/QJ)-Sh. Aadan  X. Maxamuud Xiiray  (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada Diinta ee  Somaliland ayaa u soo jeediyay  xukuumadda gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha   inay dalka ka saarto dadka soo galootiga ah, oo uu sheegay in ay dhibaato aad u weyn ku hayaan magaalooyinka.

sh.aadan siiroWaxaanu tilmaamay Sheekh Aadan Siiro, in dadkaasi soo gelootiga ahi   ay u badan yihiin qowmiyadda  Oromadda, isla amrkaana  maaliba maalinta ka danbeysa   ay sii badanayaan,  isaga oo sheegay  in dalkeena ay ka jirto shaqo la’aan aad u baahsan isla markaana aanu dalkeenu qaadi  Karin dad kale oo ajnabi ah.

Sh. Aadan Siiro,  waxaa uu sidaasi ku   sheegay  Khudbadii Salaada Jimcaha ee Shalay ka jeediyay Masjidka xaafadda Xawaadle ee Deegmada 26 Juun magaalada Hargeysa.      “Waxaan  xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha u soo jeedinaynaa in ay wax ka qabato, dadkan soo galootiga ah ee magaaladii Hargeysa laga mari kari  la’yahay inay dadkaasi waxa ay u badan yihiin  Oromo, maaliba maalinta ka danbeysana way sii badanayaan wxaan shacbiga reer Somaliland xusuusinayaa waxaa maanta caalamka ka jiraa  is riixida xaga  dadka ah umadda reer Somaliland maaha dad badan oo iska   caabiyi karta dad badan Somaliland sida aad ka war qabtaan waxaa jira shaqo la’aan badan mana qaadi karno dad kale” ayuu yidhi Aadan Siiro.

isagoo hadalkiisa sii watayan waxa uu yidhi   “Wasaaradda arrimaha gudaha waxaan u xusuusinaynaa in dhawr jeer oo hore ay wasiiradii hore ee arrimaah guduhu  talaabo ka qaadeen dadkaasi waa dad dawlada yaqaan ah o haddii amar la siiyo dalka iskaga baxaayo ee inta ay goori goor tahay talaabo ha laga qaado, dadkaa soo galootiga ah ee Oromada Itoobiyaanka u badan”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed