|

Masar oo Dhisanaysa Caasimad Cusub oo Xukuumaddu Degto Si ay u Faaruqiso Qaahira

Qaahira 19.July 2014 (SDN/QJ)- Golaha wasiirada ee Xukuumadda Masar ayaa fadhigoodii maalinimadii Arbacada ee Todobaadkan waxa ay ku falanqeeyeen qorshe ay soo bandhigtay wasaaradda guryaynta oo lagu yagleelayo dhismaha caasimad cusub oo xukuumadu fadhiisimadeeda ka samaysan doonto.

ziiziiCaasimadan cusub ayaa la qorsheeyey in dhismaheeda laga bilaabo  meel dhanka bari ka xigta caasimadda xiligan ee Qaahira isla markaana dhacda jidka isku xidha Magaalooyinka Suweys iyo Qaahira, iyadoo mashruucani looga dan leeyahay in halkaa loo raro xarumaha Baarlamaanka , Qasriga Madaxtooyada, Xarumaha Wasaaradaha iyo hay’adaha Dawladda, xarumaha safaaradaha Ajnabiga iyo hay’adaha caalamiga ah. iyadoo shaqaalaha goobahaa ka hawlgeli doona looga dhisayo guryaha shaqaalaha

Intii uu kulanka golaha Wasiiradu socday waxaa lagu soo bandhigay daraasad bilow ah iyo kharashka ku bixi kara caasimad cusub oo casri ah oo la dhiso, iyadoo sidoo kale sharaxaad laga bixiyey qaabka loo fulinayo dhismahaasi iyo waqtiga lagu fulin karo oo ay soo raacdo hanaanka loo maamuli doono mashruucu inta uu socdo.

Soo bandhigista qorshaha noocan ahi waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay dalka Masar ka taagan tahay xaalad dhaqaale xumo oo sii kordhaysa maalinba ta xigta tan iyo markii ay Millaterigu xukunka ka tureen Madaxweyne Maxamed Mursi muddo haatan laga joogo hal sano, isla markaana ay xiligan guud ahaan magaalooyinka dalkaasi ka socdaan banaanbaxyo lagaga soo horjeedo qiimaha badeecadaha daruuriga ah oo cirka isku sii shareeraya, taasoo keentay in Madaxweyne C/fataax Zii-Zii uu goor dambe oo maalintii Khamiista ahayd uu ku amro wasiirada maaliyadda iyo taakulaynta Hani Qadri iyo  Khaalid Xanafi inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabtaan qiimo korodhka ku imanaya badeecadaha, inkastoo aanay illaa hadda jirin wax talaabo ah oo caam ah oo hirgashay oo ay labadaa wasaaradood ka qaadeen arintaasi.

Dhanka kalena dhibaatada dhaqaale ee haysata shacabka reer Masar waxaa sii kordhiyey dhowaan markii kor loo qaaday qiimaha shidaalka, taasoo ay xukuumaddu ku tilmaantay mid lagu yaraynayo faqriga, laakiin inta badan khudnadaha madaxda reer Masar ma gaadhaan dadweynaha la tacaalaya xaaladda dhaqaale eek a sii daraysa, xilli ay dhibaatada dhaqaale ee haysataay u dheer tahay hoos u dhac kaga yimid dhanka mushaharooyinka iyo shaqo la’aantii oo kor u kacday.

Qaahira SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed