Boorama Tartankii Qur’aanka Kariimka ah oo la soo gabo gabeeyay Magacyada ardayda Guulaysatay iyo Abaal Marinta la siiyay
Boorama 18.July 2014 (SDN/QJ)- 37 qof oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo ku tartamayay sedex heer oo kala sareeya oo quraanka kariimka ah, ayaa la gudoonsiiyay abaalmarino isugu jiray Lacag, Shahado iyo Nuqul Kitaabka Quraanka ah, oo lagu qiyaasay lacag dhan $11300 oo doolar kadib markii ay ku guulaysteen tartan quraanka kariimka ah ee 9aad ee magaalada Boorama.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka qabsoontay masjidka Sh. Cali Jawhar ee madaalada Boorama, waxana kazoo qayb galay culimaa’udiin, waxgarad arday iyo dadwayne aad u tiro badan.
Sheekhul Baladka Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo halkaasi ka hadlay ayaa guubaabiyay qabashada tartanka quraanka ah, waxana uu ugu baaqay waa bulshada inay isbarbartaagaan barashada Quraanka Kariimka ah, isaga oo da’yartana hoga tusaaleeyay ahmiyada uu If iyo Aakhiroba leeyahay qofka quraanka bartay.
Sh. Cali Aadan oo ahaa gudoomiyihii tartanka ayaa ka waramay mudadii uu tartankani socday iyo heerarkii uu soo maray waxana uu yidhi “Bartamihii bishii Shabcaan ayuu tartan soo bilaabmay, waxana ka qayb qaadanayay dhamaan madarasadaha quraanka kariimka ah eek u yaala Boorama, waxa ka qayb qaatay arday aad u badan sababta oo ah madarasad walba waxa ka yimid 18 arday, waxana ay ardaydaasi ku tartameen dhawr wareeg oo kala dambeeyay, waxana manta idin hor fadhiya intuu ku guulaystay tartanka oo guushaasi ku mutaystay dhibco aad u yar”
Sh. Cali Aadan waxa uu u mahadnaqay dhamaan dadka reer Boorama oo ee ka qayb qaatay lacagta tartankani ku qabsoomay, waxana uu xusay in uu jiro muwaadin rer Djibouti ah oo isagu si joogto ah uga qayb qaata tartanka, kaasi oo uu sheekhu u duceeyay”
Macalin Sh. Xuseen oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa si wayn u bogaadiyay macalimiinta soo saartay ardaydan manta quraanka ku guulaysatay, waxana uu sidoo kale bulshada reer Boorama ugu baaqay in ardayda quraanka kariimka ah barata ay dhiiri galiyaan sidii ay uga qayb gali lahaayeen tartamada caalamiga ah, iyo kuwa heer qaran. Sidoo kale Sh. Xuseen Qalinle waxa uu umada muslimka ah ka codsaday inay si joogto ah u taakuleeyaan tartanka quraanka kariimka ah.
Isuduwaha Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Awdal Sh. Xaamud Axmed Nadiif oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay ardayda tartanka ku guulaysatay, macalimiinta iyo waalidiintii kula dadaalay ardaydan barashada quraanka, iyo Gudidii isku hawashay in tartankani qabsoomo.
Tartankan oo heerar kala duwan lahaa ayaa waxa ku guulaystay
Gabdhaha (30-ka Jiz)
- Nimco Maxamed Cali
- Caasha Axmed Xasan (Kaalinta 2aad)
- Kaltuun Axmed Yaasiin (Kaalinta 2aad)
- Asma Cali Rooble
- Asma Maxamed Cabdi
- Bushra Maxamed Habane
Gabdhaha (15-ka Jiz)
- Najma Sh. Cali Ismaaciil
- Khansa Cabdiraxmaan Axmed
- Huda Siyaad Cabdilaahi (Kaalinta 3aad)
- Asma Daahir Axmed (Kaalinta 3aad)
- Saynab Cali Ibraahim
- Xabiiba Cismaan Maxamed
Gabdhaha (5-Ta Jiz)
- Faadumo Cabdiraxmaan Cabdilaahi
- Raxma Cabdiraxmaan Maxamed
- Raadiya Maxamed Xasan
- Infaal Sh. Cali Ismaaciil
- Salma Cabdiwahaab Nuur
- Asma Maxamed Cali
Dhinaca wiilasha waxa iyaguna ku guulastay tartankan
Wiilasha (30-ka Jiz)
- Radwaan Axmed Faarax
- Mawliid Maxamuud Jaamac
- Cabdicasiis Maxamed Cilmi
- Xasan Axmed Xasan
- Xuseen Cabdi Xirsi
- Cabdiwaasac Sh. Faarx Xasan
Wiilasha (15-ka Jiz)
- Cadnaan Maxamed Cumar
- Cabdixakiin Cabdikariin Aadan
- Cabdirisaaq Maxamed Aadan ( Kaalinta 3aad)
- Xuseen Cismaan Cabdirashiid (Kaalinta 3aad)
- Cabdicasiis Bare Siciid
- Cabdilaahi Habane Ismaaciil
- Cabdiraxmaan Muuse Ismaaciil
Wiilasha (5-ta Jiz)
- Maxamed Cabdiraxmaan Cabdilaahi
- Cimraan Cabdi Cali
- Amiin Axmed Yuusuf
- Maxamed Cumar Axmed
- Muuse Cabdiqaadir Muuse
- Badri Cabdisamad Cigge
Boorama SDN/QJ
contact@qurbejoog.com