Madaxweynaha Somalia Oo Beeniyey Eedaha Loogu Jeediyey Xatooyada Hantida Umadda
Muqdisho:July,18,2014(SDN/QJ)-Daqiiqado kadib markii ay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Beenisay Wararkii la xidhiidhiyey Inay Musuq ku samaysay Hanti soomaaliyeed, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekhna Dhankiisa ka Beeniyey Warka Kooxdaas ee xatooyada Hantida Umadda Madaxweynaha ku soo daray.
Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay inay Ku hawllan yihiin Ilaalinta Hantida umadda inkastoo lagu eedeeyey lunsi iyo Xatooyo Hantiyeed.
“Waxaa naga go’an in aan hormarino maareynta Hantidda qaranka habab kala duwan anagoo adeegsaneyna oo ay ku jirto in aan magacownay guddiga Maamulka dhaqaalaha ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay daabacday wakaalada wararka ee Anadolu Agency.”
Xasan Sheekh Maxmuud ayaa xusay in guddiga dowladdu ay u magacaawday Maaraynta hantida qaranku uu horumar ka sameeyay maareynta iyo maamulida hantida qaranka Soomaliyeed sida uu sheegay Madaxweyne Xasan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa xusay in dowladiisu ay ka go’antahay soo kabsashada ama dib u helida hantidii qaranka Soomaaliya uu lahaan jiray ee la bililiqaystay ama lagu xayiray dalka dibadiisa.
Xasan Sheekh Maxmuud ayaa intaasi ku daray in dowlada Federaalka Soomaaliya ay sii wadeyso raadinta hantidii qaranka Soomaliya , laakiin waxa uu sheegay in dowladda aanay hayn diiwaan rasmi ah oo ku aadan Hantidda qaranka inta la bililiqaystay iyo goobaha mida xayiran ay taalo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ugu danbayn waxa uu sheegay in helida ama dib u soo celinta Hantidii qaranka Soomaaliya ay u baahantahay Khabiiro dowladda arintaasi gacan ka siiya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com