|

Bariga Dalka Ukrainian oo lagu Soo Riday Diyaarad Shicib Siday oo laga lahaa Wadanka Malaysia iyo Dhamaanba rakaabkii oo ku naf waayay

Ukrainian 18.July 2014 (SDN/QJ)- Masuuliyiinta dalka Ukrainian ayaa sheegay in diyaarad rakaab ah lagu soo riday bariga dalka, halkaasi oo ah goob ay ka dagaallamayeen kooxaha mucaaradka ah ee taagersan Ruushka.

dayWaxa ay sheegeen in dhammaan 295 qof oo saarnaa diyaaradda oo laga lahaa dalka Malaysia ay dhinteen.

Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Amsterdam waxay u socotay Kuala Lumpur.

Burburkii diyaaradda oo gubanaya ayaa la arkayay, waxaana qof dadka badbaadada ah uu sheegay in meydad badan halkaasi laga helay.

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay in diyaaradda ay soo rideen wax uu ugu yeeray argagixiso, waxaana uu ku baaqay baaritaan caalami ah

Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in diyaaradda  ay lahayd Malaysia hawada sare lagu qarxiyey bariga Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyey in diyaaradda gantaal lagu dhuftey, balse lama oga in gantaalkaasi uu ka yimid dhanka Russia ama Ukraine.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa waxay sidday 295 rakaab oo la rumeysan yahay inay wada dhinteen, waxayna ka soo kicitintey magaalada Amsterdam iyadoo ku sii jeedday Kuala Lumpur.

Ukraine waxay ku eedeysey kooxaha gooni u goosadka ee taabacsan Russia inay diyaaraddan soo rideen, halka fallaagadu ay Iyana dhankooda sheegeen in diyaarad dagaal oo Ukraine leedahay ay soo ridday diyaaraddan rakaabka ah.

Ukrainian SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed