|

Magacyada,Iyo Beelaha Somaliland ee ay ka Soo Jeedaan 47 Marxuun oo 17.July 1989 Lagu Xasuuqay Xeebtii Geerida ee Jasiira ee Magaalada Muqdisho

Hargaysa 17.July 2014 (SDN/QJ)- Xasuuqii 17 July 1989-kii xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho ee lagu gumaadey dad shicib ah oo reer Somaliland ah.

Maalintii ay taariikhdu ahayd maantoo kale 17 July 1989 kii oo Shan iyo labaatan Sanno laga Joogo, ayaa waxa maammulkii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre uu ku kacay xasuuqii ba’naa ee xeebta Jasiira, taas oo lagu gumaaday dad dhalasho ahaan ka soo jeeday Jamhuuriyadda Somaliland.

Maalintaas oo ahayd 17/7/1989-kii iyada oo ay ciidamadii koofiyad casta ahaa ee taliskii Mohamed Siyaad Barre ay ku xasuuqeen dad shacab ah magaalada Muqdisho degenaa, kuwaas oo laga soo guray guryahoodii iyagoo hurda. Waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay isugu jireen macallimiin, dhakhaatiir, arday baayacmushtar iyo dad kale oo shacab ah.

Dadkaasi oo iyagoon waxba galabsan danbina lagu soo oogin dhegta dhiigga loo daray. Rabshaddii ugu waynayd ee magaalada Muqdisho ka dhacda dhamaadkii sideetamaadkii ee ay iskaga horyimaadaan dawladii xilligaas talada haysay iyo shacabku, waxay bilaabantay jimcihii 15 july 1989-kii markii ay dadwaynaha magaalada muqdisho iyo dawladdu si toosa isaga horyimaadeen.

Waxaana iska horimaadkaasi ka dhacay masaajidka sheikh Cali Suufi ee xaafadda Hodan. Kadib markii salaadii la tukaday baa dadwaynihii dhagax tuur ku sameeyeen askar badnayd iyo tikniko ku hareeraysan ayd masaajidka, ciidamaasina waxay ugu jawaabeen si naxariis darro ah waxaana halkaas ku dhintay sarkaal ciidamada booliiska ka tirsanaa. Waxaana taasi sababtay in magaalada muqdisho lagu soo rogo bandoo ka bilaabanta gabal dhaca ilaa

Ciidamadii duubcasta ayaa bilaaby habaynkii ayaxadii soo galaysay ee 17 July 1989 kii inay guluf iyo weerar ku qaadaan xaafado ka tirsanaa magaalada Muqdisho sida madiina iyo Hodan oo ay deganaayeen dad reer Somaliland ahi. Ujeedada hawlgalku wuxuu ahaa fal aargoosi ah. Waxaana Maslax Mohamed Siyaada amar ku qaar ka mid ah saraakiishii ciidanka qaranka ee ay isku qoyska ahaayeen inay layaan dadkaan masaakiinta ah ee aan waxba galafsan. Waxaana lasoo ururshay 47 qof oo ka tirsan gidddigood qabiilka Isaaqa. Waxaana dadkaasi la geeyey xeebta jasiira, markaasaa inta shan shan laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu furay. Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin oo markaas dawladdu kuwada xukuntay dil. Waxaase mucjiso noqotay 47 kii qof mid kamida makrii ilaahy ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la yidhaado Muuse Cumar Mire(Cawil ) oo daaha ka feyday gumaadkaas waxshinimada leh iyo siduu u dhacayba.

Warkan oo argagax ku noqday muqdisho gaarahaan safaaradii ajanabiga, waxaa dawladii markaas talinaysay isku dayday inay beeniyaan, laakiin waxaa meel kastaba ka caddeeyey Muuse Cumar oo sheegay siday wax u dhaceen. Waxaanu u ahaa gumaadka qudha ee saxaafadda caalamiga ahi ay ogaadeen, intii kale ee ay ku dhimatay laguna xasuuqay inkabadan 100,000 qof ma jirto cid sidaa wax ugu qortay. Waxaana dadkaasi layska laayay iyadoon loo aabo yeelin waxaana ay hadda hurdaan iilka qubuuraha xasuuqa ee degmooyinka iyo tuulooyinka Somaliland.

 

Kuwani waa Liiska Dadkii Kacaankii Siyaad Barre ku sadaqeeyey xeebtii geerida ee Jasiira:

 

Beeshaa Habaryoonis (Garxajis)

1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-somalia

2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Besinessman

3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN

4.Yusuf Mohame Handulle – USAID

5.Abiwahab Farah Ahmed – Student

6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman

7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman

8.Abdi Osman Dubad – Trader

9.Mohamed Musa Mohamed – Trader

10.Mohamoud Bacadle – Civil servent

11.Daud SH. Ibrahim

12.Farah Ismail Awale – Student

13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader

14.Dayib Abdi Burale – Trader

 

Beesha Ciidagale (Garxajis)

1.Husein Omar Husein – Trader

2.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U

3.Musa Abdi Gaas – Businessman

4.Abdi Barre Osman – Graduate.

5.Barre Osman Abdi – Trader

6.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader

7.Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr.

 

Beesha Habar Awal

1.Ali Mohamed Abdi – Student

2.Abdi Mohamed Abdi – Technician

3.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman

4.Mohamed Abdi Hassan – Businessman

5.Ibrahim Hassan Ege – Technician

6.Abdi Muhumed Daud – Businessman

7.Jama Mohamed Abdi – Trader

8.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman

9.Rashid Mohamed Osman

10.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader

11.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent

12.Hussein Muhumed Farah – Civil servent

13.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader

14.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student

15.Hussein Osman Jama – Student

16.Khadar Mohamed Ahmed – Student

17.Bihi Ibrahim Ahmed – Student

18.Hassan Nur Hersi – Student

19.Abokor Mohamed Yousuf – Trader

20.Hassan Guure Abdi – Trader

21.Khadar nuur Jama – Trader

22.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader

23.Mohamed Osman Jama – Trader

 

Beesha Arab

1.Hassan Abdi Muhumed – Businessman.

2.Matan Abdi Habashi – Student

3.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib

 

Beesha Habar Jeclo

1.Hussein Ali Aden – Businessman

2.Saeed Nur Musa – Businesman

3.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman

4.Abdifatah Ahmed Jiir – Student

5.Ali Mohamed Dirie – C.Serv

6.Jama Aden (barosin) – Civil servent

7.Hussein Kheyre Abdi – shicib

 

isla habeenka ayaa waxa sii xoogaystay xasuuqa askartu ku hayaan shacbiga reer waqooyiga

waxaanay qabteen laba nin oo kale inta lagaranaayo oo ayaguna ku shahiiday xeebta Jasiira

kana mid ahaa dadki sida naxariistarada loo laayay.

waakuwan labada shahiid magacyadoodu ilaahay ha u naxariistee

 Beesha Sama Roon

1.Warsame Dugsiye Reydal – Trader

 Beesha Madigaan

1.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed