Taangiyada Israa’il oo Caawa afar Jiho Weerar Dhulka ah kaga qaaday Qasa
Gaza 17.July 2014 (SDN/QJ)- Ciidamada Israa’iil ayaa caawa bilaabay weerar dhinaca dhulka ah oo ay ku qaadeen marinka Qazza,
Taangiyada millateriga Israa’iil ayaa afar jiho ka soo galay Deegaankaasi sida uu goor dhoweyd baahiyey TV-ga af carabiga ku hadla ee Al-Carabiyah, iyadoo xilli sii horaysay oo isla maanta ah uu Wargayska Yudiicoon Axranoot oo ka soo baxa Israa’iil sheegay in raysalwasaare Nitinyahu ku amray millaterigiisa inay weerar dhanka dhulka ah ku qaadaan marinka Qazza.
Wargaysku waxa uu daabacay in millateriga Israa’iil amar lagu siiyey inay madaafiicda culculus iyo rasaasta taangiyada ku duqeeyaan si ay u burburiyaan kaabayaasha nolosha ee marinka Qazza, halka sidoo kalena duulaankan dhinaca berriga ay israa’iil ku sheegtay mid looga dan leeyahay in la daah qaado godadka dhulka hoostiisa ah ee ay dagaalyahanada Xamaas isticmaalaan marka ay u gudbayaan dhanka Israa’iiliyiintu degan yihiin.
Dhanka kalena Wakaaladda wararka ee Routers ayaa goor dhoweyd baahisay in sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil uu u xaqiijiyey in duulaankan aan looga dan lahayn in la rido xukunka ururka Xamaas ee marinka Qazza.
Qaza SDN/QJ
contact@qurbejoog.com