|

Somalia iyo Ethiopia Oo Maanta Kala Saxeexday Heshiis Dhinaca Waxbarashada ah

Adis ababa:July,17,2014(SDN/QJ)-Xukuumadaha Ethiopia iyo Somalia ayaa Maanta Heshiis Dhanka iskaashiga waxbarasahda ah ku gaadhay Magaalada Addis Ababa.

Som-eth-Heshiiskan ayaa dhigaya in labada dal ee Somalia iyo Ethiopia iska kaashadaan waxbarashada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa sidiii ay dalkaasi waxbarasho ugu heli lahaayeen.

Wasiirka Waxbarashada iyo barbaarint Somalia Ciise Maxamed Guraase ayaa heshiiskan dhinaca Somalia u saxeexay, halka Ethiopia uu u saxeexay Wasiirka Waxbarashada Demeke Mekonnen.

Waxaa dhawaan la filayaa in uu bilowdo dhaqan galinta heshiiskan iyagoona ay ka shaqeyn doonaan guddiyo farsamo oo labada dal ay iska soo xuli doonaan.

Dowladda Ethiopia waxay ka mid tahay dalalka deriska ee Soomaalida u barakacay, waxaana dalkeeda ku nool Soomaali fara badan oo qiyaas go ‘an aan laga hayn.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed