|

Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Dawladda Somaliya Oo Siyaabo Kala Duwan Maanta Loogu Khaarajiyey Gudaha Magaalada Muqdisho + Dagaallo Ka Dhacay Jubbada Hoose, Shabeellada Dhexe Iyo Shabeellada Hoose

 

Breakingg News.gif

Hargeisa 17/7/2014 (SDN/QJ):- Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda dambi-baadhista Booliska ee dawladda Somaliya ayaa maanta lagu khaarajiyey xaafadda Korontada ee degmada Wada-jir ee gobolka Banaadir ee dalka Somaliya.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Af-guduud ayaa la sheegayaa in dilkiisa ay fuliyeen rag ku hubaysan Bastoolado, kuwaasoo baxsaday markii ay ka takhalluseen sarkaalkaasi.

Maydka sarkaalkan ayaa waxaa goobtaasi ka qaaday ciidamada dawladda Somaliya oo dilka kadib soo buux-dhaafiyey goobtaasi.
Geesta kale, Qarax xooggan oo dhawaqiisa laga maqlaayey qaybo badan oo ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qaraxan oo ka dhacay agagaarka Cisbitaalka Digfeer ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay miino lagu xidhay baabuur
ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada dawladda Somaliya.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mid saraakiishii la socotay baabuurka, halka 3 Sarkaal iyo dirawalkii baabuurkana ay si xun ugu dhaawacmeen.
Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay dilalkan kala duwan ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, balse waxaa la filayaa inay yihiin falalkii Al-Shabaab oo horeyba ugu goodiyey dawladda.

Dhinaca kale, dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ka dhacay xaafadda Horseed ee bariga magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Shabeellad Dhexe ee dalka Somaliya.

Dagaalkan oo ay qaadeen xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay ku bartilmaameedsadeen saldhigyada ay ciidamada dawladda Somaliya ee ku yaalla gudaha degmadaasi.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in halkaasi xoog lagaga saaray ciidamadii ku sugnaa isla markaana laga qabsaday saldhigyadii ay ciidamada Somaliya ku lahaayeen deggaanadaasi.
Dadka ku sugan deggaanadaasi ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dagaalladan, iyagoo intaasi ku daray in xoogagga Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen saldhigyadii ciidamada Somaliya. Isla markaana muddo saacado ah kadib ay halkaasi dib uga ruqaasadeen.
Dhanka kale weerarro xooggan oo saf ballaadhan ah ayey xoogagga Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen fadhiisinnada ciidamada AMISOM ee deggaanada Danow, Buulsha-Sheekh, Numbar 60 iyo deegaanka Cali Xaaji oo hoostaga magaalada Marka.
Dagaalladan oo in muddo ah xalay ka socday deggaanadaasi ayaa la sheegayaa in khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac-ba leh lagu gaadhsiiyey ciidamada Shisheeye.
Geesta kale xoogagga Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose ayaa aroortii hore ee saaka weerar culus ku qaaday ciidamo taabacsan Axmed Madoobe oo shalay fadhiisin cusub ka samaystay duleedka magaalada Kismaayo.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in cagta la mariyey, khasaare culus-na la gaadhsiiyey ciidamada Amed Madoobe, isla markaana laga qabsaday fadhiisinkii ay halkaasi ka samaysteen.
Dhanka kale warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax culus oo shalay lagu beegsaday ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Yugaandha ee ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.
Qaraxan oo ka dhacay duleedka degmadaasi, ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday Baabuur laga buuxiyey walxaha qarxa, kaasoo ku qarxay saldhig ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada Shisheeye.
Tirada dhimashada soo gaadhay Askarta Yugaandhiiska ah ayaa la sheegayaa inay gaadhayso 8 Askar iyo Saraakiil isugu jira, halka dhaawacuna uu gaadhayo 12 Askari.

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed  Aadan Qurbe Jog

Concat@Somalidiasporanews.com

Comments are closed