|

Afhayeen Dhuxul Oo Markii Ugu Horraysay Bulshada u Sheegay Waxa Lagaga Wada Hadlo Shirka Khamiislaha ah Ee Golaha Wasiirrada

Hargeysa:July,17,2014(SDN/QJ)-Shirka Khamiista Kasta ay ku yeeshaan Qasriga Madaxtooyada Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa markii ugu horraysay laga soo saaray warbixin la xidhiidha wixii lagaga wada Hadlay.

Dhuxul_2-300x233Shirkan oo  caanku ahaa inaan bulshada loo sheegin waxa lagaga hadlo, isla-markaana Xanta la xidhiidha Murannada ka dhaca oo kali ahi uu saxaafadda Madaxa Bannaan Gaadhi jirey, ayaa Maanta Afhayeenka Madaxtooyadu ka soo saaray Warbixin faahfaahsan oo la xidhiidha wixii lagaga hadlay.

Waf-saxaafadeedka Afhayeenku soo saaray ayaalagu sheegay in lagu qaadaa-dhigay shirkaas Sheegashooyinka xukuumadda Xasan Sheekh Maxamud ee la xidhiidha Arrimaha Hawada iyo Badda Somaliland oo ay Maalmahanba tilmaamaysay inay iyadu ka taliso.

War-saxaafadeedkaas ayaa u qornaa Sidantan:

Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Sideed iyo Sodonaad (138aad) oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Mdaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in la cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto, Sheegashooyin beryahan danbe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, bada iyo Hawada Somaliland, taasi oo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.

Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah. oo ah kuwii ay lahayd xiligii gumaysiga iyo ka dibba, xuduudahaasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah kuna cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Hadaba fadhigaasi golaha wasiirada waxa beesha caalamka loogu cadaynayaa in Somaliland iyada oo xaqdhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca bada, beriga iyo Hawada.

Waxayna xukuumada Somaliland ka digaysaa cidkasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana cidii ku soo xadgudubtay ay ka masuul tahay.

Ugu danbayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Africa iyo kuwa caalamkaba.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed