Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Oo Si Indho La,aana uga Jawaabtay Eedaymo Dul Hoganaaya Iyo Shirkado Shidal Qodis Oy Heshiisyo La soo Gashay
Hargeysa17/7/2014(SDN/QJ) Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa si indho la’aana ugu jawaabtay eedaymo dhinaca macdanta ah oo loo soo jeediyey iyada oo shirka ay ogolaan qarsodiya ay sisay macdan ka dhoofiyaan dalka.
Wasaarada ayaa qoraal ay soosaartay oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay shabakada wararka ee Daadmadheedhnews ku dedafaysaywaxyaalo xaqiiqa oo jira
Wiilka afayeenka u ah wasaaradaasi oo aan wax sidaasa kala soconhawlaha ay wasaaradu u xil saran tahay iyo shirkadaha heshiiska lala galay oo qoraalkani ku saxeexnaa ayaa ay ka dhex muuqataa in lasoo dhex marayoo loo adeegsaday inuu runta dedafeeyo si hadhaway musuuliyiin wasaaradaasi uyidhaahdaan waa wiil yar oo khaldamay.
Qoraalka wasaarada kazoo baxayoo dhamaystirana waxaa uu u qornaa sidan:-
“Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Jamahuuriyadda Somaliland Waxay Halkan jawaab kaga bixinaysaa eedaymo been abuur ah oo uga yimid Xibiga UCID oo la xidhiidha Macdan Dalka si Xalal ah uga baxday , Oo Xisbigu sheegay in Amar wasiirku siiyey Maayirka iyo Badhasaabka Gobalka Saaxil.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Warqada ay ku shegeen Musuqa Saxeexay 28-12-2013 taaso Aheyd Ogolaansho wasiirku u fidiyey Muwaadin reer Somaliland ah oo dalka kaga shaqeysta Baadhista macdanta ,ka dib markii uu soo buuxiyey shuruudihi looga baahna iyo Bixinta Cashuurta Wasaaradda Maaliyadda oo ka soo qaatay, voucher kii uu ku bixiyey oo Numberkeedu ahaa 26-12-2013 No 847713 .
Hadaan Qodob, Qodob Uga jawaabno Hadaladdi aan Xikmadda laheyn ee ka soo yeedhay Nin Ku hadlayey afka xisbiga Ucid oo Aan Aqoon u lahey Waxaa UU Ka Hadlaayo .Waxaa u masuulkan Marka kowaad-ba uu Qalday Magaca Wasaaradda oo uu ku sheegay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ,Taas oo u haysto wali in ay hal wasaaraddood isku yihiin . Waxaa uu Magaca shirkadda ka been abuuray kuna tilmaamay shirkad aan jirin balse waa shirkadda waraaqadda ku qoran Somaliland Gemstones Mineral Co. waxaa iska leh nin Muwaadin ah Kaaso Dalka ku soo kordhiyey Fursadda Camal ,waxaan la mid yahay dadka somalilanderka ah ee Xadiga Macdaneed ee ay helaan la soo mara wasaaradda si loogu cashuuro ogalaanshana loo siiyo . Waxaa ninka ucid u hadleyay tibaaxay in Wasiirku Awood iyo Amar ku siiyey ,Maayirka Gobalka Saaxil iyo Badhsaabka ,warqadan Waxaa ku Xardhan inay ku socoto Kastamka Berbera Ogaanshana loo raaciyey Maayirka iyo Badhasaabka ,aqoonla`aanta Haysta cida matalaysa xisbigu waa wax la’la yaabo .
Xisbiga Ucid waxa uu kala garan waayay cashuurta ku waajibka ah Muwaadinka iyo Xaqul qalinka Heshiiska Shirkadaha Ajaanibka ,waxaaney yidhaahdeen Xaqil qalinka Macdantan wasiirku meel uu geeyey iyo cid ka xisaabisay garan mayno, Ogsoonow oo Cashuurta waxaa lagu soo shubay Wasaaradda Maaliyadda Taarikhadda 26-12-2013 No 847713 Cashuurteenu waxay aheyd 8082$ .
Xisbiga Ucid ayaa caadeystay cayda iyo aflagaadada Masuuliyanta Qaranka isagoo marwalba isku qaado arrin aan looga fadhiyen cadeynteeda iyo Document-ga aaney hadalkeeda daa . ( ka fiirso intaanad falin) fagaarayaasha Codbaahintana waxay u noqdeen Goob Gola ka fuul oo waxii ku soo dhacaba ay kaga Hadaaqaan . Waxaa ceeb iyo anshax darro ku ah xisbiga Ucid iney afkooda ku hadlaan shaqsiyaad aan aqoon iyo cilmi toona u laheyn arimaha macdanta, diyaar garwogooduna uu liito.” ayaa lagu yidhi Qoraalka ka soo baxay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta
Afhayeenka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed aadan Qurbe joog
Concat @Somalidiasporanews.com