|

Is-maandhaaf Xooggan Oo Ka Taagan Hoggaanka Cusub Ee Booliska Somalia

Muqdisho:July,17,2014(SDN/QJ)-Khilaaf iyo is-maandhaaf ba’ayn ayaa ka taagan Magacaabistii Taliyaha Cusub ee Boliska Somalia Maxamed Sheekh Xasan oo uu 9-ki Bishan xilkaas u magacaabay Ra’isal wasaare Cabdiweli oo ka Biyo diiday Hannaankii shaqo ee Taliye Saacid.

Taliyaha-Booliska-300x200Taliyihii Ciidanka Booliska General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa wuxuu diiday in uu iska wareejiyo xilka laga qaaday, isagoona ku adkeysanaaya inuu yahay Taliyaha Booliska Somaliya.

General C/xakiin Daahir Saciid wuxuu cadeeyay inaanu Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed xil ka qaadis ku samayn karin, isla-markaana uu ku samayn karo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kaliya, arrintaas oo Hal Bacaad lagu lisay ka dhigtay Degreetadii uu Ra’isal wasaare Cabdiweli xilka kaga qaaday.

General Saacid, ayaa waxa uu iska wataa shaqadiisa Boolisnimo, waxaana si toos ah uga amarqaata dhammaan Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Dowladda Federalka ee Somaliya.

Dhanka kale Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo si weyn ugu dhow Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa baadi-goob ugu jirta Dowladda Canada, oo ku eedeysay inuu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa waxay ku mashquulsan yihiin sidii loo xalin lahaa muranka xoogan ee ka dhashay magacaabida Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Ra’isal wasaaraha ayaa la sheegayaa inuu ka niyad jabay Falka uu ku kacay General Saacid, waxase la filayaa in Bilowga Toddobaadka soo aaddan si rasmi ah Xal loogu helo mashaqada ka taagan  Xil-ka-qaadista Ra’isal wasaaraha ee la diidan yahay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed